Xoghayaha Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Xisbiga UCID Oo ka digay heshiisyo qarsoodi ah oo lagu xaalufinayo xeebaha somaliland

0
Thursday July 31, 2014 - 12:04:38 in by Super Admin
  • Visits: 590
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoghayaha Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Xisbiga UCID Oo ka digay heshiisyo qarsoodi ah oo lagu xaalufinayo xeebaha somaliland

    Xisbiga mucaaridka ah ee UCID, ayaa ku cambaareeyey xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo heshiisyo ay sheegeen inay si qarsoodi ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga mucaaridka ah ee UCID, ayaa ku cambaareeyey xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo heshiisyo ay sheegeen inay si qarsoodi ah

ula saxeexdaan shirkado xaalufiya khayraadka badda Somaliland.


Xoghayaha Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee UCID Mr. Cabdillaahi Cumar Xuseen (Shaqalle), ayaa qoraal uu soo saaray shalay ku sheegay in shirkadaha xukuumaddu la gasho heshiisyada dhinaca khayraadka badda ah ay yihiin qaar aan sax ahayn oo dhibaato u gaysta khayraadka dalka.

"Waxaan halkan cambarayn uga dirayaa madaxda Somaliland oo aan leeyahay ha laga daayo sida qarsoodiga ah ee heshiisyadda loola galayo shirkadaha tuugta ah ee khayraadka dekedaha iyo badaheenna xaalufinaya, waayo hore ayeynu u soo aragnay qaar hore si qaldan looga saxeexday, wixii ay ku dhammaatayna waad ogtihiin. Waxa la yidhi wixii qalad lagu galaa qalad ayey ku dhammaaan, waxayna khatar ku tahay dadka iyo degaanka ku nool badda gudeheeda iyo berrigeeda.

Waxa kaloo aynu ognahay khatartii ka dhalatay suntii lagu shubay baddaha, taas oo ilaa hadda ay socoto dhibteedu.

Waxaan shacabka reer Somaliland u sheegayaa inay ka foojignadaan arrimaha hadda ka socda xukuumadda KULMIYE oo wasirradeedu heshiisyada la galayaan dawladaha aynu jaarka nahay, iyada oo aan baarlamaanka la soo marin, waxaanan leeyahay wixii heshiisyo ah waa in la horgeyo Golaha Wakiillada si uu u noqdo wax sharciga waafaqsan,” ayuu Xoghayaha Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee UCID ku yidhi qoraalkiisa.

Masuulkan oo xilka uu hayo loo magacaabay 12 July 2014 wax faahfaahin dheeraad ah kama bixin noocyada dhibaatooyinka uu sheegay in lagu hayo badda Somaliland iyo magacyada shirkadaha xukuumaddu la gashay heshiisyada uu tilmaamay in lagu xaalufinayo khayraadka badda.



Afkashacabka.com

Hargeysa / Office

Contact@afkashacabka.com