Nin Xubno Dhan Oo Qoyskiisa Ah Sabab Qariib ah u Sumeeyey

0
Friday December 08, 2017 - 14:00:19 in by Burco Office
  • Visits: 962
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin Xubno Dhan Oo Qoyskiisa Ah Sabab Qariib ah u Sumeeyey

    Nin Xubno Dhan Oo Qoyskiisa Ah Sabab Qariib ah u Sumeeyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nin Xubno Dhan Oo Qoyskiisa Ah Sabab Qariib ah u Sumeeyey

Booliiska Talyaaniga ayaa xidhay nin lagu eedeeyay in uu sunta jiirka siiyay xubno ka mid ah qoyskiisa sababtana uu ku sheegay in ay yihiin dad "aan daahir ahayn”.

Mattia Del Zotto oo 27 jir ah ayaa lagu eedeeyay uu suntan ugu qariyay cuntada waalidkii dhalay hooyadii iyo aabihii iyo eedadii, kuwaas oo suntaas u dhintay.

 


Shan ruux oo kale oo xubnaha qoyskiisa ah ayaa lagu dabiibayaa isbitaal.

Del Zotto ayaa lagu xiray Monza oo u dhaw Milan, ka dib markii la sheegay in booliisku ay koombiyuutarkiisa ka heleen rasiiddadii uu ku gatay sunta.

Markii la xiray ka dibna wuxuu sheegay in uu doonayay "in uu ciqaabo dadka dambiileyaasha ah”, sida ay dacwad oogeyaashu sheegeen.

Hooyadii ayaa baareyaasha u sheegtay in uu dhawaan ku biiray dariiqo, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

Sunta jiirka ee Thallium ayaa ah mid khafiif ah oo biyaha ku milanta wax dhadhan ahna malaha.