Dalka Soomaaliya oo ka walaacsan go'aanka "halista ah" ee Trump Ku Dhawaqay.

0
Friday December 08, 2017 - 14:00:19 in by Burco Office
  • Visits: 1092
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dalka Soomaaliya oo ka walaacsan go'aanka "halista ah" ee Trump Ku Dhawaqay.

    Dalka Soomaaliya oo ka walaacsan go'aanka "halista ah" ee Trump Ku Dhawaqay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dalka Soomaaliya oo ka walaacsan go'aanka "halista ah" ee Trump Ku Dhawaqay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in ay "ka walaacsan tahay go'aanka halista ah ee uu qaatay Trump" kaas oo Qudus uu ugu aqoonsaday in ay tahay caasimadda Israa'iil.

"Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay si dhow ula socotay" xaaladda, ayaa lagu yiri qoraaal lagu daabacay wakaaladda wararka Soomaaliya SONNA oo la sheegay in dowladda ay soo saartay.

"Waxaan ugu baaqaynaa Dowladda Maraykanka in ay si dhab ah uga fiirsato halista go'aankan uu ku leeyahay mustaqbalka dalalka Bariga-dhexe iyo guud ahaan Caalamka", ayaa ku qoran warkan ka soo baxay dowladda federaalka Soomaaliya.

Qoraalka waxaa sidoo kale lagu sheegay in "Soomaaliya ay ugu baaqaysaa dalalka Carabta, Islaamka iyo guud ahaan Caalamka in ay sii laba-laabaan dadaalkooda ku aaddan xal u helidda qadiyadda Falastiin si looga gudbo xasillooni darrada haraysay Gobolka".

Waxaa maanta la filayaa in salaadda Jimcaha ka dib ay dibad baxyo ka dhacaan qaar ka mid ah dalalka Islaamka sida Soomaaliya. Waxay dadka doonayaan in ay muujiyaan sida ay uga careysan yihiin go'aanka Trump ee Qudus.

Dowlad iyo shacab Soomaaliya "waxay diyaar u yihiin markasta taagerada iyo garab istaagga shacabka Falastiin, sidii ay u hanan lahaayeen xuquuqdooda dowladnimo", ayaa sidoo kale lagu sheegay warka ay soo saartay dowladda Soomaaliya ee lagu daabacay SONNA.

Qorshaha Trump ee Qudus ma guuleysan doonaa?

Siday Dunida uga jawaabtay go'aanka Trump

Israa'iil:Ra'iisalwasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu,ayaa ku tilmaamay go'aan taariikhi ah oo caadil ah.

Falstiin:Afhayeen u hadlay kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa sheegay in ''albaabadii cadaabta'' ay furmeen.

Faransiiska: Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa yiri ''Ma taageersanin go'aankan oo aan waafaqsanayn shuruucda caalamiga ah waana mid shaleyto mudan''.

Turkiga: Wasiirka arrimaha Turkiga ayaa ku tilmaamay tallaabo Kheyrul-mas'uulnimo ah.

Paksitan: Dowldda Pakistan ayaa tiri ''waxaa shallayto mudan in Trump uu iska dhaga tiray baaqyadii caalamka oo dhan uga imaanayay''.

ShiinahaiyoRuushkaayaa wallaac ka muujiyay arrintan waxayna ka digeen xiisadda oo cirka isku sii shareerto.

Ra'iisalwasaarahaUKTheresa May ayaa sheegtay inay Trump arrintan kala hadli doonto.

Midowga Yurubiyo ururkaJaamacadda Carabtaayaa dhankooda walaac ka muujiyay saameynta uu yeelan karo go'aanka Trump.

Israa'iil waxay magaalada Qudus u aragtaa caasimad aan qeybsamin, balse Falastiin waxay aaminsan tahay in bariga Qudus ay tahay caasimaddooda.Lahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionIsraa'iil waxay magaalada Qudus u aragtaa caasimad aan qeybsamin, balse Falastiin waxay aaminsan tahay in bariga Qudus ay tahay caasimaddooda.

Tijaabinta Bariga Dhexada cusub

Siyaasadda cusub ee Trump waxaa ka dhalatay caro ballaaran oo ka timi dunida Carabta iyo Islaamka iyo xulafada Mareykanka.

Dhulka barakeysan ee Qudus ayaa ah waxa lagu muransan yahay, taas oo micneheedu yahay in hoggaamiyayaasha Carabta ay yar tahay in ay hoos uga dhacaan qaabkan waaqiciga ah, ayna ugu dambeyn la qabsadaan arrimaha muhiimka ah ee uu ku saleysan yahay dagaalka u dhexeeya Falastiin iyo Israa'iil.

Urdun iyo Sacuudiga oo isu arka in ay yihiin ilaalada dhulka barakeysan ee Islaamka ayaa soo saaray digniin ah in arrintan ay hurin doonto Dunida Islaamka.

Laakiin kacdoonkii Carabta ayaa sababay in muhiimmaddii Falastiin ay meesha ka baxdo waxaana loo weecday arrimo muhiim ah sida Iraan iyo dhibaatada dalalka Khaliijka.

Sidaa aawadeed, Falastiiniyiinta waxay qaadeen tallaabo xoogaa u muuqatay mid caqliyeysan oo ay kula shaqeynayaan Israa'iil, waxayna u baahnaayeen in Trump uu ku lug yeesho.

Haddii dalalka Carabta iyo kuwa Islaamka ay qeylada sii wadaan ayagoo aan ficil ku darin, tijaabadan cusub ee lagu sameeyay waxay dhalin doontaa gobol la dhoho Bariga Dhexada cusub.