Wakiilka Qaramada Midoobay U Qaabilsan Somaliya Oo Tageeray Heshiiska Galmudug Iyo Ahlu Sunna Kana Hadlay Ariimo Xasaasiya

0
Friday December 08, 2017 - 16:45:22 in by salman abdi
  • Visits: 601
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wakiilka Qaramada Midoobay U Qaabilsan Somaliya Oo Tageeray Heshiiska Galmudug Iyo Ahlu Sunna Kana Hadlay Ariimo Xasaasiya

    Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa guul ku tilmaamay saxiixa heshiiska wadaagga awood qeybsiga ah ee Talaadadii dhexmaray Galmudug iyo Ahlu Sunna Wal-Jamaaca.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa guul ku tilmaamay saxiixa heshiiska wadaagga awood qeybsiga ah ee Talaadadii dhexmaray Galmudug iyo Ahlu Sunna Wal-Jamaaca.


Maamulada Galmudug iyo Ahlu Sunna oo Madaxtooyada Soomaaliya heshiis ku gaaray maalin ka hor ayaa waxaa goob ka ahaa heshiiskaasi Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha, Madaxda Dowlad Goboleedyada, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo xubno kale.

Mr. Keating wuxuu sidoo kale amaanay doorka ay ka ciyaareen Urur-goboleedka Horumarinta IGAD ee u fududeeyay kulamada Nairobi iyo Jabuuti ee u dhaxeeyay Galmudug iyo Ahlusuna, kahor inta aysan heshiiska ku gaarin Muqdisho.

Wakiilka Gaarka ah ayaa ku booriyay dhammaan dhinacyada daneeyayaasha oo ay ka mid yihiin labada dhinac, Dowladda Federaalka, wakiillada maxaliga ah iyo mas’uuliyiinta xubnaha Golaha iyo bulshada rayidka ah, si ay u sii wadaan sii wadida horumarka iyo hirgelinta heshiiska.

Heshiiskan oo ka koobnaa 14 qodob ayaa qodobada ugu muhiimsan waxaa ka mid ah in hogaamiyaha Ahlu Sunna Sheekh Shaakir uu noqonayo Madaxa Xukuumada dowlad goboleedka Galmudug iyadoo xilkaasi uu yahay mid aysan hore u lahayn maamul goboleedyada dalka.