Dunida Muslimka Oo Mudaharado Ka Jawaabay Go,aanka Madhalayska Ee Ka Soo Yeedhay Trump Ee Ku Saabsan Qudis

0
Friday December 08, 2017 - 16:49:06 in by salman abdi
  • Visits: 892
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dunida Muslimka Oo Mudaharado Ka Jawaabay Go,aanka Madhalayska Ee Ka Soo Yeedhay Trump Ee Ku Saabsan Qudis

    Xoogagga Israa'iil ee ku sugan deegaanada ay xoogga ku haystaan ee Daanta Galbeed ayaa ka hor tagaya Falastiiniyiin dibad baxayaal ah oo ka careysan go'aankii Trump uu Qudus ugu aqoonsaday in ay tahay caasimadda Israa'iil.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogagga Israa'iil ee ku sugan deegaanada ay xoogga ku haystaan ee Daanta Galbeed ayaa ka hor tagaya Falastiiniyiin dibad baxayaal ah oo ka careysan go'aankii Trump uu Qudus ugu aqoonsaday in ay tahay caasimadda Israa'iil.


Dadka isu soo baxay ee Baytullaxam ayaa dhagxaan ku tuuraya ciidamada, waxaana loogu bedelayaa gaaska dadka ka ilmeysiiya. Waxaa jiro warar aan la xaqiijin oo sheegaya in dad ay ku dhaawacmeen rabshadaha.

Xiisadda Daanta Galbeed iyo Qudus ayaa aad u kacsan ka dib markii hoggaamiyayaasha Falastiin ay ku baaqeen in la isu soo baxo.

Shaacintii Donald Trump waxaa soo dhoweysay Israa'iil, balse waxaa si adag ucambaareeyay dowladaha Carabta iyo kuwa Islaamka.

Xulafada Mareykanka ee reer Galbeedka ayaa sidoo kale ka soo horjeestay tallaabadaasi Trump oo ah in Mareykanka uu ka weecday siyaasadda arrimaha dibadda ee soo jireenka ahayd ee la xiriirta in dhexdhexaad laga ahaado arrimaha Qudus.

Israa'iil ayaa markasta u arakto in Qudus ay tahay caasimaddeeda halka Falastiiniyiinta ay sheegayaan in Bariga Qudus ay tahay caasimaddooda mustaqbalka, halkaas oo Israa'iil ay ku qabsatay dagaalkii lixda maalmood ee 1967-dii.

Laakiin dowladda Mareykanka waxay noqoneysaa dalkii ugu horeeyay ee Qudus u aqoonsada in ay tahay caasimadda Israa'iil oo dowlad ahaan loo aasaasay 1948.

Xagey dibadbaxyada ka dhacayaan?

Muuqaallo laga baahiyay telefishinno oo laga duuway Baytullaxam waxay muujinayaan boqollaal qof oo dibadbaxaya oo ay hor taagan yihiin ciidamada Israa'iil.

Biyo ayey adeegsanayaan si ay u kala ceyriyaan dadka isu soo baxay, sidoo kale waxaa la arkayaan qiiq ka dhashay gaaska dadka ka ilmeysiiya. Dibadbaxayaasha waxay gubayaan taayerro.

 
Daawo: Qorshaha Trump ee Qudus ma guuleysan doonaa?

Boqollaal askar dheeraad ah ayey Israa'iil geysay deegaanada ay haysato ee Daanta Galbeed. Rabshado waawayn ayaa sidoo kale laga soo sheegayaa Bariga Qudus. Xuduudda Israa'iil iyo Qaza rabshado ka dhacayna waxaa ku dhaawacmay dhowr qof oo Falastiiniyiin ah.

Boqollaal askar kale ayaa la geeyay qeybta qadiimiga ah ee uu ku yaallo masaajidka barakeysan ee Al-Aqsa halkaas oo lagu tukaday salaadda Jimacaha.

Qeybta qadiimiga ah, oo ay ku yaallaan goobaha barakeysan, waxay aasaas u tahay qalalaasaha taariikhiga ah ee Bariga Dhexe.

Xisbiga Fatax oo uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamuud Cabbas wuxuu ku baaqay in dadka ay jidadka isugu soo baxaan, halka ururka Xamaas uu shaaciyay kacdoon cusub oo ka dhan ah Israa'iil.

Sidoo kale dunida Islaamka waxaa ka dhacay dibadbaxyo lagu muujinayo sida looga careysan yahay go'aanka Trump ee Qudus.

Magaalada Kuala Lumpur, dadka soo baxay waxay gubeen muuqaal loo ekeysiiyay TrumpLahaanshaha sawirkaEPA
Image captionMagaalada Kuala Lumpur, dadka soo baxay waxay gubeen muuqaal loo ekeysiiyay Trump

Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho waxaa salaadda Jimacaha ka dib isu soo baxay boqollaal qof oo ku dhawaaqayay "Qudus waa caasimadda Falastiin", waxayna muujiyeen sida ay u diidan yihiin in ay caasimad u noqoto Israa'iil.

Kumannaan qof oo taageersan Falastiin ayaa sidoo kale qabtay dibadbaxyo ka dhacay dalalka Urdun, Masar, Turkiga iyo Iraan.

Dalalka kale ee laga dibadbaxay waxaa ka mid ah Malaysia, Bangladesh iyo Indonesia iyo dalal ka ay Muslimiinta ku badan yihiin ee caalamka oo dhan.

Sidey beesha caalamka uga jawaabtay?

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaawar ay soo saartay ku sheegtay in ay "ka walaacsan tahay go'aanka halista ah ee uu qaatay Trump" kaas oo Qudus uu ugu aqoonsaday in ay tahay caasimadda Israa'iil.

"Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay si dhow ula socotay" xaaladda, ayaa lagu yiri qoraaal lagu daabacay wakaaladda wararka Soomaaliya SONNA oo la sheegay in dowladda ay soo saartay.

"Waxaan ugu baaqaynaa Dowladda Maraykanka in ay si dhab ah uga fiirsato halista go'aankan uu ku leeyahay mustaqbalka dalalka Bariga-dhexe iyo guud ahaan Caalamka", ayaa ku qoran warkan ka soo baxay dowladda federaalka Soomaaliya.

Israa'iil:Ra'iisalwasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu,ayaa ku tilmaamay go'aan taariikhi ah oo caadil ah.

Falstiin:Afhayeen u hadlay kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa sheegay in ''albaabadii cadaabta'' ay furmeen.

Faransiiska: Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa yiri ''Ma taageersanin go'aankan oo aan waafaqsanayn shuruucda caalamiga ah waana mid shaleyto mudan''.

Turkiga: Wasiirka arrimaha Turkiga ayaa ku tilmaamay tallaabo Kheyrul-mas'uulnimo ah.

Paksitan: Dowldda Pakistan ayaa tiri ''waxaa shallayto mudan in Trump uu iska dhaga tiray baaqyadii caalamka oo dhan uga imaanayay''.

ShiinahaiyoRuushkaayaa wallaac ka muujiyay arrintan waxayna ka digeen xiisadda oo cirka isku sii shareerto.

Ra'iisalwasaarahaUKTheresa May ayaa sheegtay inay Trump arrintan kala hadli doonto.

Midowga Yurubiyo ururkaJaamacadda Carabtaayaa dhankooda walaac ka muujiyay saameynta uu yeelan karo go'aanka Trump.

Maxaa muhiim ka dhigaya go'aanka Trump?

Magaalada Qudus waxay muhiimad wayn u leedahay labada dhinac ee Falastiin iyo Israa'iil. Waxaa ku yaalla goobo barakeysan oo ay aaminsan yihiin seddaxda diimood ee dunida ugu badan, Islaamka, diinta Yuhuudda iyo Masiixiyadda.

in Qudus ay leedahay Israa'iil weli beesha caalamka maysan aqoonsan, dhammaan dalalkana waxay safaaradohooda ka dhisteen Tel Aviv.

Bariga Qudus oo magaalada Qadiimiga ah ay qeyb ka tahay waxay Israa'iil qabsatay ka dib dagaal lix maalmood qaatay oo dhacay 1967, Laakiin hadda ka hor looma aqoonsan in ay qeyb ka tahay dhulka Israa'iil ay maamusho.

Sida uu dhigayo heshiiskii nabadda ee Israa'iil iyo Falastiin ee 1993, marxaladda magaalada Qudus waxay ahayd in looga doodo kulamadii ka dambeeyay midkii lagu saxiixay heshiiskaasi.