Madaxwaynaha Muuse Biixi Oo Xalay Kulan Saacado Qaatay La Qaatay Siyaasiyinta Madasha Wadatashiga

0
Friday December 08, 2017 - 16:56:30 in by salman abdi
  • Visits: 1680
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwaynaha Muuse Biixi Oo Xalay Kulan Saacado Qaatay La Qaatay Siyaasiyinta Madasha Wadatashiga

    Madaxweynaha La Doortay ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa habeenkii xalay ahaa kulan kula yeeshay magaaladda Hargeysa siyaasiyiinta madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka ee somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha La Doortay ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa habeenkii xalay ahaa kulan kula yeeshay magaaladda Hargeysa siyaasiyiinta madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka ee somaliland.

 

kulankan ayaa waxa faahfaahiyay waxyaabaha lagaga wada hadlayAqoon Yahan Jamaal Cali Xuseen oo madaxweynaha ku wehelinayay.

"Kulankii xalay Madaxweynaha la doortay Muuse Biixi Cabdi la yeeshay qaar ka mid ah odoyaasha Madasha Wadatashiga. Kulankaas Oo ka dhacay guriga madaxweynaha waxaa goob joog ka ahaa Maxamed Xaashi Cilmi, Cabdisalaan Yaasiin, Xasan Guure, Aqoonyahan Ahmed Ibrahim Hassan, qaar ka mid ah dhalinyaradda Madasha, iyo Madaxweyne Muuse Biixi, Jamaal Cali Xuseen. Kulankaas Oo saacado socday wuxuu isugu jiray tallooyin, dardaaran, duco, iyo dhiirigelin. Madaxweyne Muuse wuu soo dhaweeyey kulankaas iyo tallooyinka daraasadka watay ee ay odoyaashu si waddaninimo leh u soo bandhigeen iyagoo kuli ka aroorsanaa dhaqaalaha, sharciga, iyo dhisidda maamul dawladnimo oo tayo leh Oo kooban. Si kheyr qabta Oo ay labada dhinacba isku af garteen ayuu ku dhamaaday kulankii. Madaxweynahu wuxuu ka dalbaday inay saxaan markasta Oo ay arkaan in wadaddii laga leexday. Guul iyo gobanimo.