"Dharbaaxada qarniga" iyo Jawaabta Bariga dhexe Ee Magaalad Qudus.

0
Saturday December 09, 2017 - 10:19:25 in by Burco Office
  • Visits: 753
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Dharbaaxada qarniga" iyo Jawaabta Bariga dhexe Ee Magaalad Qudus.

    "Dharbaaxada qarniga" iyo Jawaabta Bariga dhexe Ee Magaalad Qudus.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dharbaaxada qarniga" iyo Jawaabta Bariga dhexe Ee Magaalad Qudus.

Cinwaannada wargeysyada Carabta iyo Turkiga waxaa laga dhigay dhalleeceyn iyo xanaaq looga jawaabayo go'aanka Trump uu Qudus uga dhigay caasimadda Israa'iil.

Wargeysyada ka soo baxa Israa'iil oo sidaa si ka duwan uga warramay waxay ammaaneen go'aanka madaxweynaha Mareykanka.

'Halyey iyo taariikhi'

"Waad ku mahadsan tahay madaxweyne go'aankan geesinimada ah ee taariikhiga ah. Waad ku mahadsan tahay in aad muujisay dareenkaaga ku wajahan shaacintan muhiimka ah iyo arrintan", ayaa lagu qoray wargeys ka soo baxa Israa'iil oo lagu magacaabo Yisrael Hayom.  

Mid kale oo lagu magacaabo Maariv, wuxuu qoray, Trump "wuxuu ka gudbay xadkii cabsida".

Lahaanshaha sawirkaYEDIOT AHORONOT
Image caption"Waa xilliga Qudus loo aqoonsan lahayn in ay tahay caasimadda Israa'iil", ayuu yiri wargeyska Yedioth Ahronoth

"Trump wuu saxan yahay. In caalamka uu 70 sanno diidanaa in Qudus loo aqoonsado caasimadda Israa'iil wuxuu ahaa khalad nacasnimo ah," ayuu yiri wargeyska Yedioth Ahronoth.

"Waa dafiicnimo in la dhoho 'go'aanka Trump wuxuu dhibaateynayaa geedi socodka nabadda', sababtoo ah maba jiro geedi socod nabadeed," ayuu ku sii daray qormada.

'Dharbaaxada qarniga'

Aragtida dhulka Falastiin ayaa midda Israa'iil si wayn uga duwan. Cinwaan lagu qoray wargeys ay leedahay dowladda Falastiiniyiinta, Al-Xayat Al-Jadidah ayaa go'aanka Trump ku tilmaamay "dharbaaxada qarniga".

Wargeyska Al-Xayat Al-JadidahLahaanshaha sawirkaAL-HAYAT AL-JADIDAH
Image captionWargeyska Al-Xayat Al-Jadidah

Warbixin uu qoray wargeyskaa ayaa ka digay "in albaabada cadaabta loo furo gobolka", isagoo soo xiganayay warbixin ka soo baxday ururka Xamaas.

Sidoo kale wuxuu ku baaqay cadaadis iyo tallaabooyiin wax ku ool ah in la qaado.

"Maxaynaan u billaabayn kacdoon lagu soo celinayo wadahadallada hakadka kujiray in muddo ah?" ayuu qoray wargeyska Al-Ayam oo Fatax taageera. "Way fiicnaan lahayd in aan eegno guusheena siyaasadeed, ma ahan kacdoon seddaxaad."

Wargeyska Al-Risalah oo Xamaas taageera ayaa dhankiisa qoray: "Waa in aan diidno cadaadiska Israa'iil iyo Mareykanka, waana in aan eegno xoojinta sidii Falastiin u noqon lahayd dal la aqoonsan yahay illaa aan ku guuleysaneyno midnimo qaran. Arrinta ugu yar ee aan sameyn karno waa in aan xoogga saarnaa sidii aan u mideyn lahayn awoodeena ugana gudbi lahayn khilaafka, si aan u difaacno Qudus una diidno go'aanka Mareykanka."

'Ubaxa magaalooyiinka dhexdooda'

Screengrab from Al Jazeera TVLahaanshaha sawirkaAL-JAZEERA
Image caption"Waan kuu duceeyay, magaalada ducada" ayey ku jawaabtay Al-Jazeera oo baahisay hees ay qaaday fannaanad caan ah

Telefishinada waawayn ee carabta ayaa barnaamijyo gaar ah ka sameynaya go'aanka Trump, waxay sii deynayaan jawaabta caalamiga ah ee laga bixinayo, waxay sidoo kale muujinayaan sida Qudus u tahay xarunta dhaqanka Carabta.

TV-yo uu Al-Jazeera ka mid yahay waxay baahiyeen hees ay qaaday fannaanad caan ah oo u dhalatay Lubnaan. Heesta oo lagu magacaabo "Ubaxa magaalooyiinka dhexdooda" ayey Fayruus uga hadleysaa qabsashada Qudus iyo rajada Falastiiniyiinta ay ka qabaan in maalin un ay soo celin doonaan.

Screengrab from Al-Arabiya TVLahaanshaha sawirkaAL-ARABIYA
Image captionTV-ga Al Carabiya ayaa muujiyay sawirka keedka ciidda masiixiyadda oo ka dhex taagan Ramallah.

Warka ugu sareeyay ee TV-ga uu Sacuudiga maalgeliyo ee Al-Carabiya wuxuu ku soo qaaday sida boqortooyada "uga xun tahay" go'aanka Trump, waxayna maamulka Trump ku booriyeen in dib u qiimeyn uu ku sameeyo arrinta.

Waxay soo qaateen dibadbaxyada Falastiiniyiinta, sidoo kale waxay soo bandhigeen in layrarka ciidda masiixiyadda laga demiyay magaalada Ramallah, ayadoo looga jawaabayo go'aanka Trump.

TV-ga Al-Dustur ee Masar ayaa ku dhawaaqay "Geerida Carabta"

Front cover of Al-Dustur newspaperLahaanshaha sawirkaAL-DUSTUR
Image captionWargeyska Al-Dustur ee Masar ayaa ku tilmaamay ku dhawaaqidda "Geerida Carabta"

Dalka Masar, Wargeyska Al-Dustur wuxuu boggiisa hore ku qoray: "waa ku dhawaaqidda geeriga carabta". Mid kale wuxuu yiri "Trump wuxuu bixiyay wax uusan lahayn oo uu siiyay kuwo aan u qalmin".

Front cover of Turkish newspaper PostaLahaanshaha sawirkaPOSTA
Image captionWargeyska Posta ee Turkiga wuxuu Trump ku tilmaamay "in uu waashay".

Warbixinno lagu qoray wargeysyada Turkiga qaar ka mid ah waxay Trump ku sheegeen "in uu waashay, uuna bansiin ku shubayo dabka holcaya".