Wakiilka Qaramada Midoobay U Fadhiya Bariga Dhexe Oo Ka Horyamid Go,aanka Trump

0
Saturday December 09, 2017 - 10:19:25 in by Burco Office
  • Visits: 1102
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wakiilka Qaramada Midoobay U Fadhiya Bariga Dhexe Oo Ka Horyamid Go,aanka Trump

    Ergeyga Qaramada Midoobay Ee Bariga Dhexe oo ka horyimid go'aankii Trump.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ergeyga Qaramada Midoobay Ee Bariga Dhexe oo ka horyimid go'aankii Trump.

Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Bariga Dhexe, Nickolay Mladenov, ayaa ka digay in tallaabada Maraykanka ay dhalin karto dhibaato aan la mahdin oo ka dhex billaabata Israa’iil iyo Falastiiniyiinta.

Kulan degdeg ah oo uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka yeeshay arrinta Qudus, ayaa dalalka xubnaha ka ah marka laga reebo Maraykanka waxay cambaareeyeen go’aankii uu madaxweyne Trump magaaladaasi ugu aqoonsaday caasimadda Israa’iil.

Nikki Haley Safiirka Maraykanka ee Qaramada Midoobay, ayaa ururkaasi ku dhaliishay inuu wax u dhimayo hannaanka nabadda looga dhalinayo Bariga Dhexe.

Sidoo kale, ururka Jaamacadda Carabta ayaa lagu wadaa inuu maanta ka shiro go’aanka madaxweyne Trump ee ku aadan magaalada Qudus.

Go’aanka Trump ayaa waxaa dhaliilay dalal badan oo caalamka, ayna ka mid yihiin kuwo xulafo dhaw la ah dalka Maraykanka.

Gantaal laga soo riday marinka Qaza ayaa ku dhacay magaalada Sderot ee koonfurta Israa’iil, ayadoo ay weli socdaan rabshadaha ka dhashay arrinta Quddus.