Madaxwaynaha Faransiiska Oo Raysal Wasaaraha Yuhuudda Si Adag Ugala Hadlay Qaddiyadda Qudus.
Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa canbaareeyey go’aankii Dowladda Maraykanku ay magaalada Qudus ugu aqoonsatay caasimadda Israel. Macron ayaa sidoo kale ugu baaqey raysalwasaaraha Israel in uu joojiyo deegaameynta iyo dhismayaasha sharci darada ah ee ay ka wadaan Daanta galbeed.
Shir saxaafadeed wadajir ah oo ay magaalada Paris ku wada qabteen Madaxweynaha Faranasiiska Macron iyo Raysalwasaaraha Israel Netanyahu ayuu Macron ugu baaqey Netanyahu in uu wada hadal la furo Falastiiniyiinta.
– Faransiiska waxa uu weli aaminsan yahay xalka keliya in uu yahay laba dowaldood oo jaar ah nabadna kuwada nool, taasna waxay ku dhici kartaa wadahal ayuu yidhi Macron.
Booqashada Netanyahu ee Paris ayaa imaanaysa kadib markii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ku dhawaaqey in caasimadda Israel u aqoonsan yihiin Qudus oo ah magaalada uu ku yaalo Masaajidka saddexaad ee barakaysan ee Muslimiinta, inkasta oo Israel ay muddo dheer caasimadooda u aqoonsanaayeen Qudus, ayaa dowladaha aqoonsan Israel safaaradohoodu ku yaaleen Tel Aviv.
Natanyahu ayaa shirkii saxaafadeed ee Paris ka sheegay in Qudus ay ahayd weligeedna ahaaneyso caasimadda Israel, waxaana uu ugu baaqey Falastiiniyiintu in ay xaqiiqada fahmaan.
Madaxwaynaha Faransiiska Oo Raysal Wasaaraha Yuhuudda Si Adag Ugala Hadlay Qaddiyadda Qudus.
Madaxwaynaha Faransiiska Oo Raysal Wasaaraha Yuhuudda Si Adag Ugala Hadlay Qaddiyadda Qudus.