Haayada La Dagaalanka Musuq-maasuqa Ee AAC Oo Warbixin Afar Qodoba Kasoo Saartay Aafada Musuq-maasuqa
Haayada Madaxa Banaan Ee Action For Anti Corruption A A C, Ladagaalanka Musuq Maasuqa Ee Xarunteedu Tahay Magaalada Berbera Waxay Maanta OO Taariikhdu Tahay 09/12/017 Kuna Astaysan Maalinta Musuq Masuqa Ee Dunida OO Dhan laga Xuso Aay Soo Saartay Bayaan Aay kaga Hadlayso La Dagaalanka Musuq Maasuqa iyo Sida Uu U Aafeeyay Somaliland,
Hay,adan la Dagaalanka Musuq Maasuqa Ayaana Si Qoto Dheer Uga Hadashay Sidii Loola Dagaalami Lahaa Musuqmaasuqa Oo Noqday Ayay Tidhi Aafo Qaranka Somaliland haysta,
Qoraalkan Dheer Ayaa hay,adan la dagaalanka Musuq Maasuqa Ee A A C Waxaay Ku Sheegeen In Somaliland Uu Aafeeyay Horumarkeedii Dhaqan Dhaqaale iyo Kii Bulsheedba Waxaanu Noqday Mid Dawlad iyo Shiciba La Xalaashaday
Ku Dhaqanka Musuq Maasuqa,
Qoraalkan Ayaa Somaliland Ku Tilmaamay Mid Nabad galyo Ka Jirto iyo Kala danbayn Maamul Oo gaamuray. Laakiin hadana Dhinaca Lunsiga hantida qaranka Uu Keenay In Somaliland Safka Hore ka gasho wadamada Uu Aafeeyay Musuq MaaSuqa iyo wax Is waydaarintu,
Dhanka kalena Waxaay Warbixintani ka Hadashay Sida Loo Suulin Karo Khiyaamada Musuq maasuqa Oo Illaa Lala dagaalamo Aanu Qaran samayn Karin wax Horumara,
Waxaanay Talooyin Dhaxal Gal Usoo Jeediyeen Hogaanka Cusub Ee Shacabka Soamliland U Doorteen Sida Aqlabiyada Ah
Warbixintan Oo ka Kooban Afar Bog Hoos Ka Akhriso
Tix: / /122017 Taarikh: / /2017 Ujeedo: War-saxaafadeed Xuska Maalinta Caalamiga ah ee la . Dagaalanka Musuq-maasuqa. Hordhac. Haayada madaxa banaan AAC la dagaalanka Musuqmaasuqa ee fadhigeedu yahay magaalo Madaxda Gobolka Saaxil Berbera waxay maanta oo ay taariikhdu tahay 09/12/2017 kuna suntan maalinta caalamiga ah ee la dagaalanka musuqmaasuqa waxay soo saartay warsaxafadeed ay kaga hadlayso heerkuu marayo Musuqmaasuqu,
dhibaatooyinka laga dhaxlay iyo talooyin ay soo jeedinayaa madaxweynaha cusub ee ladoortay sida wax looga qaban karo. Somaliland waxa ragaadiyey oo naafeyey horumarkeedi bulsho iyo keedi dhaqaaleba aafada Musuqmaasuqa oo xalaal ka dhexnoqotay haayadaha dawlada ee kala duwan iyadoo musuqmaasuqu noqday wax aan lasykula yaabin balse loo tartamo oo laysku amaano.
Waxaa jirta in Madaxda dawladu iyadoo aan la ogayn hantidada gaarka ah ee ay leeyihiin xil loo dhiibo isla markaana iyadoon lala xisaabtamin xilka laga qaado ama ay iskood iskaga casilaan taaso qayb wayn ku leh in lagu dhiirado xilalka dawlada si looga faaidaysto oo lagu dhaco hantida umada ka dhaxaysa.
Maanta Somaliland inkastoo aynu gaadhnay horumar nabad gelyo oo baaxad leh, mid kaladanbeyn maamul iyo horumar xadidan oo dhinaca dhaqaalaha ah hadana waxaynu safka hore kaga jirnaa wadamada uu ragaadiyey isla markaana uu curyaamiyey Musuq-maasuqa iyo Maamul-xumadu iyadoo aanay jirin cid xil iska saartay in aafadan wax laga qabto lana diyaarin siyaasad cad oo laga leeyahay la dagaalanka cudurkan khatarta badan uu sida xawliga ah ugu dhex faafaya nidaamka dawladnimo ee wadanka.
Noocyada Musuqmaasuq ee Dalka ka Jira. Musuq-maasuqu wuu noocyo badan yahay laakiin noocyada ugu badan ee dalka ka jira waxa ugu wayn Systematic iyo Nepotism corruptions kuwaaso u sii kala baxaya sidan hoos ku xusan:-
1- Dakhliga dawlada oo masuuliyiintu ku tagri falaan.
2- Qandaraasyada dawlada oo si qaldan oo eex iyo qaraabo kiil ah lagu bixiyo iyadoo aan loo marin dariiq tartan furan iyo hufnaani ku jirto. 3-
Dhulka hantida guud ah iyo guryaha dhisan ee dawladu lahayd oo si xadka ka baxsan loo iibiyo looguna wareejiyo ganacsato iyo qurbojoog iyadoo lacagaha lagu iibiyo handtidaas aanay soo dhaafin masuuliyiin kooban laguna darin miisaniyada Qaranka.
4- Shaqaalaha dawlada oo nidaam aan waafaqsanayn sharciga lagu qorto.
5- Mashaariicda horumarineed oo aan si cadaalad ah loogu qaybin dalka guud ahaan iyadoo inta badan kharashaadka mashaariicdaas loogu talagalay ay madaxda Haayadaha dawlada ee ku shaqolihi lunsadaan. 6- Masuuliyiinta dawlada oo daymo aan hawlaha qaranka lagu fulin intay galaan Qaranka ku daymiya.
7-Saacadaha shaqada oo Masuuliyiinta dawladu ku sameeyaan Musuqmaasuq baahsan iyagoo aan kuba xisaabtamin wakhtiga loo baahan yahay inuu masuulku u shaqeeyo umadiisa.
8- Gaadiidka dawlada oo si aan sharciga waafaqsanayn loo adeegsado hawlo gaar ahna lagu qabsado.
9- Haayadaha dawlada iyo masuuliyiintooda gaar ahaan kuwa adeega bulshada oo laalush ku xidha shaqooyiinkii ay bulshada u qaban lahaayeen.
10- Masuuliyiinta dawlada oo ku tagrifala awooda dawladeed ee ay hayaan iyagoo ku dulmiya dadka masaakiinta ah ee ay xukumaan. Dhibaatooyinka uu Keenay Musuqmaasuqu.
Hadaba noocyadaas kala duwan ee Musuqmaasuq ee aynu kor kaga soo sheekaynay waa kuwo dhamaantood dalka ka jira kuna sababay dhibaatooyin iyo saamayn taban oo ay ka mid yihiin:-
1- Dhaqaale xumo baahsan oo dalka guud ahaan soo wajahaday.
2- Shaqo la’aan baaxad leh oo ku habsatay dhalinyaradii dalka.
3- Maamul xumo iyo habacsanaan haleeshay adeega Haayadihii dawlada.
4- Hantidii maguurtada ahayd ee Dawladu gacanta ku haysay oo ka sii baxaya faraha xukuumada.
5- Isla-xisaabtan la’aan ku dhex faaftay haayadaha dawlada iyadoo ay shaqadoodi gabeen Haayadihii u xilsaarnaa dabagalka iyo ilaalinta hantida qaranka sida:-
a- Hantidhawrka Guud
b- Xisaabiyaha Guud
c- Gudida maamulwanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa
d- Guddi hoosaadka Golaha wakiilada ee dabagalka hantida qaranka
6- Golihii wakiilada oo guud ahaan gabay shaqadoodi ahayd Check and Balanc, iyadoo dhexdooda uu naafeeyey Musuqmaasuq iyo maamul xumo xadhkaha goosatay.
7- Ku dhaqan la’aan sharciga dalka u yaal iyadoo si uu masuulku u sameeyo musuqmaasuq iyo inuu dantiisa gaadho uga talaabsada sharciyada kala duwanee dalku leeyahay.
Talo soo Jeedin. Somaliland waxaa ka dhalatay Dawlad cusub oo ku timi Codka Shacabka kadib Doorashadii dalka ka qabsoontay 13-November-2017, taasoo uu Madaxweyne ka noqday Murashixii Xisbiga KULMIYE u tartamayey .
Sida la wada ogsoonyahay markii la lagu jiray Olalaha Doorashada waxaa xisbiga Doorashada ku Guulaystay ku ololaynjiray inuu xidida u siibi doono Musuq-maasuqa. Sidaas daraadeed waxay guud ahan umada Somaliland uga fadhidaa Madaxwaynaha ku guulaystay talada dalka inuu ka dhabeeyo Balan-qaadkiisi khuseeyay inuu la dagaalami doono Musuq-maasuqa si wayna wax uga qaban-doono.
Haayada AAC iyadoo ka faaidaysanaysa Xuska Maalinta Caalamiga ah ee la Dagaalanka Musuq-maasuqa, waxay talo ahaan halkan ugu soo jeedinaysaa Madaxeynaha la Doortay ee Somaliland inuu qaado talaabooyinkan hoos ku xusan si ay fure ugu noqdaan wax ka qabashada la dagaalanka Musuqmaasuqa.
1. Inaad soo rogtid amar ah in la diwaangeliyo hantida gaarka ah ee Masuul kasta oo loo magacaabo xil Dawladeed.
2. Inaad dhaqan gelisid in aan masuul xil loo magacaabay aanu la wareegin xafiiska inta ay Golaha Wakiiladu ka ansixinayaan Magacaabistiisa ama ay diidayaan si Maamul-wanaaga dalku u adkaado.
3. Inaad xoojisid awooda fulineed iyo aqooneed ee Komishanka Maamul-wanaaga iyo la Dagaalanka Musuq-maasuqa KMW&LM loona sameeyo xeer awood u siinaya awood baadhitaan iyo soo qabasho oo ay ku gali karto Wasaaradaha iyo haayadaha madaxa banaan ee dawlada.
4. Inaad si dhaba u dhaqan galisid xeerka la dagaalanka Musuqmaasuqa iyo ilaalinta hantida qaranka ee Xeer Lr.38/07 kaaso si cad u qeexaya ciqaabaha kala duwan ee ay mutaysanayaan cid kasta oo ku kacda laguna cadeeyo fal Musuq-maaasuq isla markaana si gabasho la’aan ah loogu qaado ciqaabta uu dhigayo Xeerku cidkasta oo ku kacda falkaa Musuqmaasuqa ah.
5. Inaad soo noolayso shaqadii Haayada Hanti-dhawrka Guud oo daciiftay isla markaana aad jeexdo Policy iyo Procedure ay kuwada hawlgalaan Hanti-dhawraha Guud iyo Komishanka Maamul Wanaaga iyo la Dagaalanka Musuqmaasuqu si wada jira.
6. Inaad xoojiso Ururada Bulshada ee ka shaqeeya la Dagaalanka Musuq-maasuqa si ay u kaabaan una gacan siiyaan haayadaha dawlada ee kushaqo leh arimahan.
7. Inaad soo rogto awaamir dhigaya inaan qofka Masuul dawladeed ah marka xilka laga qaado ama uu iskii iskaga casilo aanu iska tagin oo aanu aad yar xilka wareejin balse lala xisaabtamo oo lays barbar dhigo hantidiisa gaarka ah ee uu haystay markii Xilka loo dhiibay iyo markan uu ka tagayo farqiga u dhexeeya si loo qiimeeyo inuu Masuulkaasi ku kacay wax Musuq-maasuqa ah si hadii la ogaado inuu ficilkaas ku kacay sharciga loo horkeeno.
8. Inaad dejisid hab-raac lagu adkaynayo hanaanka dabagalka iyo isla-xisaabtanka Maayirada iyo dawladaha hoose ee dalka oo imika u muuqda kuwo ay u fududahay inay ku kacaan hanta-lunsi iyo Musuq-maasuq balaadhan.
9. Inaad abuurtid isla markaana aad hormuud ka noqotid Barnaamij heer Qaran ah oo wacyi-galineed oo dadka lagu barayo dhibaatada Musuq-maasuqa iyo inay bulshada la fahansiiyo inay kaalin wayn ka qaatan xakamaynta Musuqmaasuqa. Barnaamijkaas oo loo baahan yahay in dalka oo dhan laga wada fuliyo.
Gunaanad. Ugu danbayntii Haayada AAC waxay rajo wayn ka qabtaa in Dawlada cusub ee la doortay ay noqon doonto mid ka duwan dawladihii hore ee wadanka soo maray oo ay dadaal wayn galin doonto la dagaalanka iyo wax ka qabashada Musuq-maasuqa.
Alla Mahad Leh.
Abdinasir Mohumed Hussein.
Madaxa Haayada AAC.
Address: Action for Anti-Corruption Organization (A.A.C)
Berbera City/ Near Taar-dheer Area Zero-Square of Hargeisa & Buroa Road
Email:-actionforac15@gmail.com.Phone:063-4264262.
Haayada La Dagaalanka Musuq-maasuqa Ee AAC Oo Warbixin Afar Qodoba Kasoo Saartay Aafada Musuq-maasuqa
Haayada La Dagaalanka Musuq-maasuqa Ee AAC Oo Warbixin Afar Qodoba Kasoo Saartay Aafada Musuq-maasuqa