Dawlada Kenya oo ka jawaabtay warbixin ka soo baxday Qaramada Midoobey Iyo Wax Ku Sabsanayd.

0
Tuesday December 12, 2017 - 09:41:50 in by Burco Office
  • Visits: 535
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Kenya oo ka jawaabtay warbixin ka soo baxday Qaramada Midoobey Iyo Wax Ku Sabsanayd.

    Dawlada Kenya oo ka jawaabtay warbixin ka soo baxday Qaramada Midoobey Iyo Wax Ku Sabsanayd.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Kenya oo ka jawaabtay warbixin ka soo baxday Qaramada Midoobey Iyo Wax Ku Sabsanayd.

Dowladda Kenya ayaa ka jawaabtay eedeymo ku saabsan warbixin cusub oo Qaramada Midoobay soo saartay oo sheegaysa in ciidamadeeda ay mas’uul ka yihiin 36 dhimasho oo rayid ah oo ku nool Soomaaliya muddo 22-bil ah.

Warbixinta QM ayaa Axaddii sheegtay in weerarrada hawada ay fulinayaan Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) lagu eedeeyay in ay mas’uul ka ahaayeen 42 qof oo rayid ah (36 qof oo ay ku dhinteen iyo lix dhaawacantey).

Hawlgalka Qaramada Midoobey ee taageerada Soomaaliya (UNSOM) iyo Xafiiska Xuquuqda Aadanaha ee QM, oo wadajir u soo uruuriyey warbixinta, ayaa sheegay ciidamada Kenya ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM in ay mas'uul ka yihiin dilka dad rayid ah.

Warbixinta ayaa sheegtay in sidoo kale ururka Al-Shabaab ay mas’uul ka tahay saamiga ugu badan ee dhimashada dadka rayidka ah ee Soomaaliya, oo ay ku jiraan 512 oo dhimasho ah, kaasi oo ka dhashay qaraxii Zoobe, 14-kii October.

Jawaab rasmi ah oo laga soo daabacay warbixin 56-bog ka kooban Safaaradda Kenya ee Muqdisho ayaa waxey ku doodday eedeymaha ah in ciidamada KDF ay mas’uul ka yihiin dhibaatooyinka shacabka rayidka ah ee Soomaaliya ay yihiin kuwo aan lagu sameyn baaritaano xaqiiqo ah.

Sidoo kale jawaabta ay wakiilka ka tahay xukuumadda Kenya ayaa beenisay in ay jiraan cutubyo Kenyan ah oo ka howlgala meel ka baxsan ciidanka AMISOM.

Waxay kaloo Kenya sheegtay waligeed in aysan helin wax cabasho ah oo ku saabsan dhimashada rayidka ah ee ka dhanka ah KDF waxayna Kenya tilmaamtay in aysan xaq u laheyn shaki, balse loo baahan yahay in la keeno war xaqiiqo ah.