Dalka Faransiiska oo xoojinaya hagaajinta cimilada adduunka Ee Sii Kordhaysa.

0
Tuesday December 12, 2017 - 09:41:50 in by Burco Office
  • Visits: 478
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dalka Faransiiska oo xoojinaya hagaajinta cimilada adduunka Ee Sii Kordhaysa.

    Dalka Faransiiska oo xoojinaya hagaajinta cimilada adduunka Ee Sii Kordhaysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dalka Faransiiska oo xoojinaya hagaajinta cimilada adduunka Ee Sii Kordhaysa.

Dowladda Faransiiska ayaa wada dadaal ay ku dardar galinayso sidii xal loogu heli lahaa isbdalka cimilada caalamka.

Maanta ayaa lagu wadaa in uu magaalada Paris ka furmo shir wayne looga arrinsanayo isbadalka cimilada,laba sano ka dib markii la saxiixay heshiiskii isbadalka cimilada ee Paris.

Madaxwaynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in uu rajaynayo in Mareykanka ay badali doonaan mowqifkooda ku aadan dadaalka wax looga qabanayo isbadalka cimilada.

Madaxwayanha Mareykanka Donald Trump ayaa isagu horrey ugu dhawaaqay in Mareykanka ay ka baxayaan heshiiska Paris ee isbadalka cimilada.

Mr Macron oo wareysi siinayay TV-ga CBS ayaa sheegay in Mr Trump uu khalad sameeyay markii uu ku dhawaaqayay ka bixida heshiiska.

Madaxwaynaha Faransiiska ayaa carabka ku adkeeyay in uu diyaar u yahay in Mareykanka ay mar kale ku soo dhaweeyaan heshiiska balse aan heshiiska dib looga wadaxaajoon doonin.