Diyaarado Duqayn Ka Gaystay Xalay Degaanka Mubaarak Ee Shabeelada Hoose Iyo Khasaaraha Ka Dhashay.

0
Tuesday December 12, 2017 - 09:41:50 in by Burco Office
  • Visits: 520
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaarado Duqayn Ka Gaystay Xalay Degaanka Mubaarak Ee Shabeelada Hoose Iyo Khasaaraha Ka Dhashay.

    Diyaarado Duqayn Ka Gaystay Xalay Degaanka Mubaarak Ee Shabeelada Hoose Iyo Khasaaraha Ka Dhashay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diyaarado Duqayn Ka Gaystay Xalay Degaanka Mubaarak Ee Shabeelada Hoose Iyo Khasaaraha Ka Dhashay.

Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxayaa Duqeyn Diyaaradeed oo xalay ka dhacday deegaanka Mubaarak oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Dadka deegaan ayaa warbaahinta u sheegay in duqeyntan ay dhacday xalay 03:00-AM, waxaana ay sheegeen in ay maqleen Jugata xooggan.

Goobjooge ayaa sheegay in duqeynta ay timid kaddib markii xubno ka tirsan ururka Al-shabaab ay doonayeen in Gaari Caasi ah ay ku soo Rararaan waxyaabaha Qarxa oo dusha sare laga soo saary Moos ay diyaaraduhu bartilmaameedsadeen.

Lama oga ilaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeyntan, iyo cida sida rasmiga ah u fulisay, inkastoo loo maleynayo in ay ka dambeeyeen diyaaradaha Mareykanka.

Todobaadyadii ugu danbeeyayba qeybo ka mid gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ka dhacayay duqeymo xoogga oo lagu bartilmaameedsanayo saldhigyada Al-shabaab iyo saraakiishooda, taasoo keentay in tiro ka badan oo ka mid ah dagaalyahannadooda u firxadeen gobollada dhexe Soomaaliya.