Dawlada Itoobiya Oo Go'aan Adag Ka Qaadatay Go'aankii Madaxwaynaha Dalka Maraykanku Qudus Ugu Aqoonsaday Caasimada Yahuuda.

0
Tuesday December 12, 2017 - 09:41:50 in by Burco Office
  • Visits: 608
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Itoobiya Oo Go'aan Adag Ka Qaadatay Go'aankii Madaxwaynaha Dalka Maraykanku Qudus Ugu Aqoonsaday Caasimada Yahuuda.

    Dawlada Itoobiya Oo Go'aan Adag Ka Qaadatay Go'aankii Madaxwaynaha Dalka Maraykanku Qudus Ugu Aqoonsaday Caasimada Yahuuda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Itoobiya Oo Go'aan Adag Ka Qaadatay Go'aankii Madaxwaynaha Dalka Maraykanku Qudus Ugu Aqoonsaday Caasimada Yahuuda.

Dowlada Ethiopia ayaa daboolka ka qaaday inaysan adeeci dooningo’aanka uu Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump magaalada Qudus ugu hibeeyay Israel.

 

Ethiopia waxa ay sheegtay in howlaha Safaaradooda ay kasii socon doonto caasimada Israel ee Tel Aviv, isla markaana ay ka fiirsan doonaan Go’aanka Trump.

 

Ethiopia waxa ay sheegtay in Safaaradeeda Tel Aviv aysan u rari doonin magaalada Qudus inta ay meel uga dhaceyso xiisada ka taagan arrinta Qudus oo meel xun gaadhsiisan.
 
 

Meles Alem oo ah Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ethiopia ayaa hadalkan ka sheegay Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

 

Meles Alem, waxa uu cod dheer ku sheegay in Go’aanka Donald Trump uu yahay keliya mid ku kooban dowlada Mareykanka oo u muuqaneysa inay xiisad ka dhex dhalineyso dowladaha Islaamka iyo kuwa rumeysan diimaha kale.

 

 

Meles Alem, waxa uu cadeeyay in Mowqifka Ethiopia ee xiisada Qudus ay tahay mid lamid ah Mowqifka Midowga Afrika ee dhex dhexaadka ah.

 

 

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Go’aanka Qudus looga dhigaayo caasimada Israel qaatay arbacadii hore oo ku asteysaneyd December 6, 2017.

 

 

Docda kale, Hoggaamiyeyaasha caalamka ayaa tan iyo markaasi dhaleeceeyeen tallaabada Trump oo ay ugu yeeren dib u dhac ku yimid dadaalka nabadda ee u dhexeeya Israel iyo Falastiin iyo halis ammaan oo ku aaddan gobolka Bariga Dhexe.