Fadeexad Horleh Xafiiska Imtaxaanadka Qaran Oo Lacagtii Shahaadada Ardayda Lagaga Qaadaayey Oo Aan Ku Dhicin Qasnada Dawlada +Gudida Hantida Qaran Baadhisku Hay.

0
Tuesday December 12, 2017 - 12:41:38 in by Burco Office
  • Visits: 527
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fadeexad Horleh Xafiiska Imtaxaanadka Qaran Oo Lacagtii Shahaadada Ardayda Lagaga Qaadaayey Oo Aan Ku Dhicin Qasnada Dawlada +Gudida Hantida Qaran Baadhisku Hay.

    Fadeexad Horleh Xafiiska Imtaxaanadka Qaran Oo Lacagtii Shahaadada Ardayda Lagaga Qaadaayey Oo Aan Ku Dhicin Qasnada Dawlada +Gudida Hantida Qaran Baadhisku Hay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fadeexad Horleh Xafiiska Imtaxaanadka Qaran Oo Lacagtii Shahaadada Ardayda Lagaga Qaadaayey Oo Aan Ku Dhicin Qasnada Dawlada +Gudida Hantida Qaran Baadhisku Hay. Dhamaan Hay’addaha Illaalinta iyo Dabagalka Hantida Qaranka ee Somaliland ayaa maalmahan u dambeeyay heegan Culus lagaliyay iyadoo si weyn baadhis loogu hayo goobo cayiman oo aad looga shaki qabo inay hanti lunsi baahsani ka dhacday waxaana si gaar ah maalmahan u shaqaynayay Hanti dhawrka Qaranka iyo Hay’adda Maamul Wanaaga Iyo La Dagaalanka Musuq Maasuqa Somaliland kuwaasi oo meelo badan gacanta mariyay islamarkaana natiijooyin culus kala kulmay.
Waxa si gaar ah baadhis Culus oo isdaba joog ah labadii todobaad ee u dambeeyay Hay’addaha dawlada ku hayay Hanti dhawrka qaranka Somaliland,waxaanu baadhis iyo fatashaad ku bar tilmaameedsaday goobo badan,iyagoo wasaarado badan kala wareegay dhamaan Buugtii iyo faylashii ay wax ku xisaabsanayeen,waxa kale oo ay wali kujiraan oo ay baadhayaan dhawr wasaaraddoo iyagoo qaar ka mid ah Wasaaraddaha ay baadheen ee ay ka mid yihiin Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare,Wasaaradda Hawlada Guud iyo gaadiidka,iyo Wasaarada kaluumaysiga ugu daandegay hawlo badan oo mudayacnimo ah,waxa la sheegayaa oo ay ka laayihiin wasaaradda Qaar tirada gaadiidkii u diwaangashaan iyagoo sida la sheegay aanay masuuliyiinta Wasaaradahaasi sheegi Karin meel gaadiidkaasi jaan iyo Cidhib lala maray.
 

Hanti dhawrka qaranka ayaa galalafay labadii Cisho ee u dambeeyay Xafiiska imtixaanaadka Qaranka Somaliland oo maamul ahaan hoos yimaada Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare waxaanay sida la sheegay kala kulmeen musuq maasuq xoogan,iyadoo la sheegay inay heeleen lacago laga qaado Ardayda oo aan ku dhicin Qasnada Dawlada,Waxaana sida la sheegay lacagahaasi ka mid ah lacagta Shahaadada Dugsiga sare iyo dhexe oo gabi ahaanba ku dhacda jeebka Masuuliyiinta Wasaaaradda iyadoo sida la sheegay uu masuulka ugu sareeya Xafiiska Imtixaanaadka Qaranku sida la sheegay uu Hanti dhawrka u sheegay in lacagtaasi lagala xisaabtamo wasiirka Waxbarashada,waxaanay lacagtaasi marka dusha laga xisaabiyo ay noqonaysaa sanadkii lacag xadigeedu badan yahay oo qaranka wax badan ka dabooli lahayd.
Majiro war rasmi ah oo ka soo baxay Xafiiska imtixaanaadka Qaranka iyo Xafiiska Hanti dhawrka qaranka oo faah faahinaya arintan balse warar lagu kalsoon yahay oo xafiisyadaasi la xidhiidha ayaa noo xaqiijiyay jiritaanka warkaasi,waxaana ay noo sheegeen in baadhista xafiiskaasi soo gabogabowday islamarkaana xogo badan iyo macluumaad badan ay ka heleen Hanti dhawrka Qaranku xafiiska Imtixaanaadka Qaranka.
Lama oga goorta ay hay’adahan baadhistu soo ban dhigi doonaan natiijada baadhitaanadooda musuqmaasuq iyo in ay kaliya baadhitaankooda u gudbin doonaan Madaxweynaha la doortay oo xaajadu ku dambayn doonto kaliya natiijo ku eg uun Warqad iyo qalin (Xibrun Calal Waraq).