Shirka Iskaashiga Wadamada Islaamka oo maanta ka furmaya dalka Turkiga Iyo Arima Lagag Wada Hadalyo.

0
Wednesday December 13, 2017 - 09:24:54 in by Burco Office
  • Visits: 567
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirka Iskaashiga Wadamada Islaamka oo maanta ka furmaya dalka Turkiga Iyo Arima Lagag Wada Hadalyo.

    Shirka Iskaashiga Wadamada Islaamka oo maanta ka furmaya dalka Turkiga Iyo Arima Lagag Wada Hadalyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirka Iskaashiga Wadamada Islaamka oo maanta ka furmaya dalka Turkiga Iyo Arima Lagag Wada Hadalyo.

Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga waxaa maanta ka furmaya shirka ururka iskaashiga Islaamka ee loo soo gaabiyo (OIC), kaasi oo uu ku dhawaaqay 6-dii bishan Madaxweyne Recep Tayyip Erdogen.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxda dalalka ku mideysan Ururka Iskaashiga Islaamka ( OIC ), iyaga oo uga hadli doona xaalada magaalada Barakeysan ee Quddus.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Isniintii gelinkii dambe ka amba baxay Muqdisho ayaa Soomaaliya ku metelaya shirkan.

Shirkan ayaa si Gaar ah salka ugu haya arrimaha ka soo kordhay magaalada Barakeysan Al-Qudus iyo sidii dalalka Muslimka ah ay go’aan mideysan uga qaadan lahaayen arrinkan.

Go’aanka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu Arbacadii ugu aqoonsaday magaalada Qudus caasimadda Isra’iil waxaa uu kiciyey fal cellino caro leh oo ka yimid beesha caalamka iyo dunida Carabta kaasi oo lagu diidayo go’aankani.

Dowladda Soomaaliya, oo 8-dii bishan bayaan ka soo saartay tallaabada Mareykanka uu Magaalada Qudus ee dhulka Falastiiniyiinta ugu aqoonsaday inay tahay caasimadda Israel ayaa sheegtay in ay ka walaacsan tahay go’aanka xasaasiga ah ee uu qaatay Madaxweyne Donald Trump, waxayna ugu baaqday in uu ka fiirsado halista uu go’aankani ku yeelan karo mustaqbalka Bariga Dhexe.