Madaxweynaha Dalka Maraykanka Oo Taageeray Heshiiska Is Badelka Cimilada Sii Kordhaysa.
Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in uu aaminsan yahay in madaxweyne Donald Trump uu Mareykanka ku soo celin doono heshiiska la dagaallanka waxa sababo is bedelka cimilada aduunka ee Paris lagu saxiixay.
Laakiin Mr Macron wuxuu tilmaamay in uusan aqbali doonin dalabka madaxweyne Trump ee ah in danaha Mareykanka laga wada xaajoodo.
Wuxuu hadalkaasi ka sheegay wareysi uu siiyay CBS oo uu uga hadlayay shirka uu qabanqaabiyay ee ka furmaya Paris.
Mr Macron wuxuu dhalleeceeyay in Mareykanka uu saxiixo heshiis caalami ah, ka dibna isaga baxo.
"Mareykanka wuu saxiixay heshiiska Paris. Waa arrin si wayn looga caroodo in la go'aansado in sidaas looga baxo, mana jirto waddo furan oo lagu cadaadinayo kuwa kale si dib wada xaajood kale ay loogu billaabo. Hal waddan baa go'aansaday in uu masraxa ka tago. Waan ka xumahay in aan sidan dhoho. Ma ahan wax soconaayo."
Madaxwayne Macron wuxuu dhiiragelinayaa in dunida lagu hoggaaamiyo fulinta heshiiskii Paris ee is bedelka cimilada si wax looga qabto dunida sii kululaaneysa.
- Trump oo diiday heshiiska isbedelka cimilada
- Shiinaha: way naga go'an tahay wax ka qabashada cimilada
- Isbeddelka cimilada : Heerka gaaska CO2 ee adduunka ayaa gaartay meel cusub
Wuxuu TV-ga CBS u sheegay in uusan dooneyn in jiilalka mustaqbalka ay isaga ku eedeeyaan in uusan fahmin dhibaatada wayn ee ka dhalata is bedelka cimilada, balse ayba yartahay waxa lagu xallin karo.
Saynisyahannada waxay sugayaan, haddii shirka wasiirada caalamiga ah iyo ra'iisul wasaaraha Faransiiska uu awood siinayo ololaha yareynta qiiqa iyo wasaqda hawada ku baxa.
Waxyaabo muhiim ah oo dhanka dhaqaalaha ah ayaa lagu dhawaaqi doonaa, sida:
- In lacag loo uruuriyo dalalka saboolka ah si ay tamar nadiif ah u helaan
- Joojinta keydinta dhuxusha dhirta laga sameeyo
- In la go'aansado in shirkadaha ay shaaciyaan nooca gaaska ee ay adeegsanayaan si loo qiimeeyo, haddii dowladaha ay yareeyaan qiiqa hawada ku baxa
Sidoo kale waxaa lagu dhawaaqi doonaa in maraakiibta qeyb ka noqdaan heerarka cimilada ee la tiigsanayo. Haddaba, markabka wuxuu yeelan doonaa heerka qiiqa ka bixi kara ee hawada uu ku siideyn karo.
Madaxweynaha Dalka Maraykanka Oo Taageeray Heshiiska Is Badelka Cimilada Sii Kordhaysa.
Madaxweynaha Dalka Maraykanka Oo Taageeray Heshiiska Is Badelka Cimilada Sii Kordhaysa.