Antonio Guterres oo ka digay khatarta isbadalka cimilada

0
Wednesday December 13, 2017 - 09:24:54 in by Burco Office
  • Visits: 545
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Antonio Guterres oo ka digay khatarta isbadalka cimilada

    Antonio Guterres oo ka digay khatarta isbadalka cimilada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Antonio Guterres oo ka digay khatarta isbadalka cimilada

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa ka digay dhibaatada ay caalamka u keeni karto isbadalka cimilada.

Mr Guterres oo ka hadlayay shirka looga hadlayo isbadalka cimilada ee Paris ka dhacaya ayaa sheegay in dagaal ay ugu jiraan sidii ay noolasha u sii socon lahayd.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres ayaa intaa ku daray in isbadalka cimilada uu si dhaqsi ah ku socdo.

Madaxwaynaha dalka Fransiiska, Emmanuel Macron, ayaa dhankiisa ka digey in caalamku uu ku guuldaraysanayo dagaalka ka dhanka ah isbadalka cimilada.

Madaxwayne Macron ayaa sheegay in tillaabooyiinka ka dhanka ah diirimaadka caalamka aan si degdeg ah loo qaadin.

Mr Macron ayaa sheegay in laba sano ka dib heshiiskii isbadalka cimilada ee Paris uu kulaylka caalamka uu noqday mid gaaray heer sareeya.

Madaxwaynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa intaa ku daray in cidna aysan ku andacoon Karin in aysan arrintan isbadalka cimilada ka warqabin.

Heshiiska wax ka qabashada isbadalka cimilada ee laba sano ka hor lagu saxiixay magaalada Paris ayaa waxaa isaga baxay Mareykanka.