War-saxaafadeed: Guddida Qaban-qaabada Shirweynaha 5-aad Ee Ururka SOLJA oo la magacaabay.
Guddoomiyaha Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, Xasan Maxamed Yuusuf, ayaa maanta Magacaabay guddida qaban-qaabada shirweynaha Shanaad ee Ururka SOLJA.
Sida lagu sheegay War-saxaafadeed Guddoomiyuhu ku saxeexan yahay, xubnaha guddida qaban-qaabada shirweynaha SOLJA, ayaa ka kooban shan xubnood oo ka kala socda hay’adaha warbaahineed iyo ururrada kale ee saxaafadda ee ka shaqeeya Somaliland.
War-saxaafadeedkaasi ayaa u dhignaa sidan:-
Guddida Qabanqaabada shirweynaha shanaad ee Solja (Preparatory committee of SOLJA General Assembly)
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Guddoomiyaha ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA isagoo tixraacya qodobka lixaad faqradda (b) oo sheegaya in shirweynaha ururku qabsoomo saddexdii sanaba hal mar, wuxuu magacaabay guddida qabanqaabada shirweynaha 5aad isagoo tixraacaya faqrada (c) ee qoddobka lixaad.
Magacyada Guddida:
-
Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) – Waaheen
-
Maxamed Aw Aadan Cabdi – Freelance
-
Barkhad Maxamed Kaariye – SOLJA
-
Maxamed Yuusuf Ilkacase – Foore
-
Ayaan C/risaaq Jaamac – WIJA
-
Salma C/raxmaan Sheekh – wasaaradda Warfaafinta
-
Axmed Maxamed Jaamac – Somali Chanel