Madaxweynaha Maraykanka Trump Oo iska fogeeyay guuldarrada Alabama.

0
Thursday December 14, 2017 - 08:33:11 in by Burco Office
  • Visits: 471
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Maraykanka Trump Oo iska fogeeyay guuldarrada Alabama.

    Madaxweynaha Maraykanka Trump Oo iska fogeeyay guuldarrada Alabama.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Maraykanka Trump Oo iska fogeeyay guuldarrada Alabama.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa iska fogeeyay Roy Moore ka dib markii ay guuldarro taariikhi ah ka soo wajahday gobolka Alabama oo si wayn u taageeri jiray xisbiga Jamhuuriga.

Guusha uu gaaray Doug Jones oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ayaa soo yaraynaysa aqlabiyaddii Jamhuuriga ee aqalka Senate-ka iyadoo ay hadda labada xisbi kala yeelanayaan 51-49 kursi, arrintaas oo jahwareer u keensan karta sharciyada uu Trump rabo in uu meelmariyo.

Ol'olihii doorashada ee Moore waxaa hareeyay eedaymo ku saabsan in uu dumar badan si xun ula dhaqmay inkastoo uu diiday eedaymahaas.

Jones wuxuu noqonayaa qofkii u horreeyay ee xisbiga Jamhuuriga ka tirsan ee gobolka Alabama ku matala Senate-ka muddo 25 sano ah.

Inkastoo ay xubno sarsare oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ay diideen in ay taageeraan Moore iyadoo bartanka lagaga jiray eedaymo ku saabsan in uu caruur faroxumeeyay, haddana madaxweynaha Maraykanka ayaa si buuxda u taageeray.

Trump ayaa xataa Fariin taleefanka ugu duubay murashixii Jamhuuriga ee eedaymaha la'daalaa dhacayay maalmo uun ka hor intii aysan doorashadu dhicin.

Markiise ay soo baxday in laga guulaystay Twitterkii u horreeyay ee uu qoro wuxuu ugu hambalyeeyay Jones oo xisbiga Dimuqraadiga ka tirsan guushuna ay raacday.

Laakiin wuu sii waday oo taageerayaashiisa wuxuu xasuusiyay in markii ay socotay doorashadii xisbiga Jamhuuriga dhexdiisa ahayd in uu isagu taageersanaa Luther Strange oo ahaa ninkii ay sida wayn isu hayeen Moore.

Ka gudub Twitter daabacaad W.Q @realDonaldTrump

The reason I originally endorsed Luther Strange (and his numbers went up mightily), is that I said Roy Moore will not be able to win the General Election. I was right! Roy worked hard but the deck was stacked against him!

— Donald J. Trump (@realDonaldTrump)13 Bisha Laba iyo Tobnaad 2017

Dhammaadka Twitter daabacaadda qore @realDonaldTrump

Wuxuu intaas ku sii daray haddii ay jirto wax ay doorashadan xaqiijisay, waa in ay xaqiijisay in xisbiga Jamhuurigu uu u baahanyahay in uu murashaxiin ka dhigto dad miisaan leh si loo kordhiyo aqlabiyadda aadka u yar ee labada aqalba ee wakiillada iyo kan Senate-ka.

Jones ayaa shir jaraa'id oo uu Arbacadii qabtay ka sheegay in ay soo waceen madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, hogaamiyaha xisbiga Dimuqraadiga Chuck Schumer iyo Senater Mitch McConnell.

Wuxuu sheegay in Trump "uu si naxariis leh" oola hadlay markii uu taleefanka u soo diray uuna ku marti qaaday Aqalka Cad ee Maraykanka looga arrimiyo.

Jones ayaana intaas ku sii daray in aysan wali wada hadlin Moore.

Kursiga Alabama waxaa sannadkan horraantiisii banneeyay xeer ilaaliyaha guud ee Maraykanka Jeff Sessions.