Madax-bannaanida Somaliland Oo Caqabad Ku Noqotay Dastuurka Soomaaliya Oo La Doonayo In Afti Loo Qaado

0
Thursday December 14, 2017 - 09:13:31 in by Burco Office
  • Visits: 803
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madax-bannaanida Somaliland Oo Caqabad Ku Noqotay Dastuurka Soomaaliya Oo La Doonayo In Afti Loo Qaado

    Madax-bannaanida Somaliland Oo Caqabad Ku Noqotay Dastuurka Soomaaliya Oo La Doonayo In Afti Loo Qaado

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madax-bannaanida Somaliland Oo Caqabad Ku Noqotay Dastuurka Soomaaliya Oo La Doonayo In Afti Loo Qaado

Xildhibaan ka mid ah Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sheegay inaan Afti loo qaadin doonin Dastuurka Dalkaasi illaa Somaliland dib ula midowdo Soomaaliya.

 

Xildhibaan Xuseen Sheekh Maxamuud oo Shalay Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in Dastuurka Soomaaliya oo hadda qabyo-qoraal ah la dhamaystiri doono, laakiin aan Afti loo qaadayn Somaliland oo ka maqan Soomaaliya, maaddaama buu yidhi haddii Dastuurka Afti loo qaado xilligan ay ka dhigan tahay in Soomaaliya aqoonsatay Madax-bannaanida Somaliland.

 

 

 

Xildhibaan Xuseen Sheekh Maxamuud oo xubina ka ah Guddiga Dastuurka Dawladda Federaalka Soomaaliya, ayaa isaga oo arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi "Dastuurka waalla dhamaystirayaa, laakiin Afti u qaadistiisa ayaa si ku meel-gaadh ah loo hakinayaa, ta ugu daran ee hadda Aftida hor istaagaysaana waa Somaliland.”

 

 

 

Xildhibaankani wuxuu sheegay haddii Somaliland iyo Soomaaliya ay Wada-hadallada Xal ku gaadhaan oo Somaliland dib ula midowdo Soomaaliya Afti loo qaadi doono, haddiise taa beddelkeedu timaaddo aan Dastuurka Afti loo qaadi doonin "Walaalaheen Somaliland hadday ku qancaan inay la midoobaan Koonfurta waa sidii la rabay oo Aftidu way soconaysaa, laakiin inta ka horreysa waxay noqonaysaa in Dastuurka loogu dhaqso si kale oo ansixin ah oo Baarlamaanku ansixiyey, laakiin Afti guud looma qaadayo.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray "Afti looma qaadi karo hadda Dastuurka, Waayo? Haddii Afti la qaado iyadoo Somaliland maqan tahay, waxay ka dhigan tahay shacabkaasi (Somaliland) kuma jiraan Dastuurka qaybna kama aha..”