Haweeney Caan Ka Ah Dalka Masar Oo xabsi ku muteysatay muuqaal laga duubay ayadoo moos cuneysa

0
Thursday December 14, 2017 - 09:30:05 in by Burco Office
  • Visits: 577
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haweeney Caan Ka Ah Dalka Masar Oo xabsi ku muteysatay muuqaal laga duubay ayadoo moos cuneysa

    Haweeney Caan Ka Ah Dalka Masar Oo xabsi ku muteysatay muuqaal laga duubay ayadoo moos cuneysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haweeney Caan Ka Ah Dalka Masar Oo xabsi ku muteysatay muuqaal laga duubay ayadoo moos cuneysa

Maxkamad ku taalla dalka Masar ayaa laba sanno oo xabsi ah ku xukuntay fannaanad caan ah oo iska duubtay muuqaal ayadoo xiran dharka jiifka, moos na cuneysa.

Shaimaa Axmed, oo 25 sanno jir ah ayaa la xiray bishii la soo dhaafay ka dib markii muuqaalkeeda uu ka dhashay caro iyo dhalliil kaga imaaneysay shacabka dalka Masar oo u badan Muslimiin.

Talaadadii ayaa lagu helay dembi ah in ay anshax xumo faafineysay iyo baahinta muuqaal aan wanaagsaneyn, sida warbaahinta gudaha dalkaasi ku warrameen.

Soo saaraha muuqaalka ayaa sidoo kale lagu xukumay laba sanno, isagoo ka maqnaa maxkamadda.

Shyma ayaa, intaa la xirin ka hor, raaligelisay dadka muuqaalkii heesteeda "arrin baa i haysata" sida "xun u fahmay".

"Kuma fikirin in waxaan oo dhan ay dhacayaan oo aan la kulmayo weerar sida oo dhan u xoog badan oo qof kaste iiga imaanayo," ayey ku qortay boggeeda Facebook oo markii dambe hawada laga saaray.

Sannadkii tagay, maxkamado ku yaalla Masar ayaa seddax dumar oo qoob ka ciyaar sameeya ku xukumay min lix bilood oo xabsi ah, ka dib markii lagu helay dembi ah in dareen kicin ay ku sameeyeen muuqaal hees oo laga duubay.

Sidoo kale, Fannaanad kale ayaa wajaheyso dacwad ku saabsan "faafinta muuqaal kicin ah", sababtoo ah waxay sheegtay in cabidda biyaha wobiga Nile ay qofka ka dhigi karaan mid xanuunsan.

Dacwad ayaa lagu oogay bishii la soo dhaafay ka dib markii uu soo baxay muuqaalka Sherine Cabdel Wahab oo la waydiinayo in ay ku heesto Mashrebtesh Men Nilha (Weligaa maka cabtay wobiga Nile?" xilli ay ka qeybgaleysay bandhig Faneed la qabtay sannadkii la soo dhaafay.

Waxay ku jawaabtay "ka cabidda wobiga Nile waxay iga dhigayaan qof qaba cudurka schistosomiasis" - oo ah xanuun ka dhasha goryaanka wayn ee sida caadiga ah loo garanayo bilharzia.

Isniintii, Waaxda heesaha Masar ayaa shaacisay in ay go'aan ku gaartay in fannaanad Serine ka mamnuucdo in laba bilood ay ka heesto bandhig faneedyada.