Iiraan baa ku deeqday gantaalladii Sacuudiga lagu weeraray

0
Friday December 15, 2017 - 10:48:21 in by Burco Office
  • Visits: 494
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Iiraan baa ku deeqday gantaalladii Sacuudiga lagu weeraray

    Iiraan baa ku deeqday gantaalladii Sacuudiga lagu weeraray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iiraan baa ku deeqday gantaalladii Sacuudiga lagu weeraray

Danjiraha dowladda Mareykanka u fadhida Qaramada Midoobay Nikki Haley ayaa soo bandhigtay wax ay sheegtay in ay yihiin haraaga gantaallo ay dowladda Iiraan siisay mucaaradka Yaman.

Gantaaladan ayay Xuutiyiinta u isticmaaleen weerar ay ku qadeen dhulka Sacuudiga.

Mar ay ka hadlaysay haraadigii gantaaladaasi ay soo bandhigtay ayay sheegtay in ay tahay mid muujinaysa sida ay Iiraan u hurinayso colaadda bariga dhexe.

Iiran ayaa beenisay eedeeynta loo soo jeediyay ee ah in ay horinayso colaadaha bariga dhexe iyo in ay Xuutiyiinta hub siisay.

Dowladda Iiraan ayaa sheegtay in Mareykanka ay doonayaan in ay qariyaan dambiyada dagaal ee ay Sacuudiga ka gaysteen Yamen.

Nikki Haley ayaa sheegtay in gantaalka Riyadh lagu riday uu boqollaal ruux dili karayLahaanshaha sawirkaAFP
Image captionNikki Haley ayaa sheegtay in gantaalka Riyadh lagu riday uu boqollaal ruux dili karay

Xuutiyiinta ayaa dalka Yamen kula dagaalamaya xulafada ay hogaamiyaan Sacuudiga.

Horraantii bishan ayay ahayd markii kooxda Xuutiyiinta ay dileen madaxwaynihii hore ee Yamen Cali Cabdalle Saalax.