Saameyn intee la eg ayaa ka dhalan karta Saadka laga joojiyay ciidamada militariga Soomaaliya +Sababta.

0
Friday December 15, 2017 - 10:48:21 in by Burco Office
  • Visits: 530
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saameyn intee la eg ayaa ka dhalan karta Saadka laga joojiyay ciidamada militariga Soomaaliya +Sababta.

    Saameyn intee la eg ayaa ka dhalan karta Saadka laga joojiyay ciidamada militariga Soomaaliya +Sababta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saameyn intee la eg ayaa ka dhalan karta Saadka laga joojiyay ciidamada militariga Soomaaliya +Sababta.

Warbixin lagu daabacay Wakaalada Wararka ee  Reuters ayaa lagu sheegay  in la musuq-maasuqay Saadka looga tala galay ciidamada xoogga dalka Sooomaaliya,taasoo Mareykanka uu ku tilmaamay mid aan la qaadan karin.

Genaraal C/qaadir Sheekh Cali Diini Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Somaliya ayaa waxaa uu ka hadlay dhibaatada ka dhalan karta go’aanka Mareykanka uu ku sheegay in uu ku joojinayo Saadka uu siin jiray ciidamada xooga dalka Somaliyeed.

"Haddii ay Qorshahan ku dhaqaaqaan Mareykanka waxaa ay saameyn adag ku yeelan doontaa howlgalka ay wadaan ciidamada xoogga dalka ee ku aadan dagaalamayaasha Al-Shabaab”.

Genaraal CabdiQaadir Sheekh Cali Diini ayaa waxaa uu soo hadal qaaday Saadka uu sheegtay Mareykanka in uu jarayo, waxaana uu sheegay in Saadka markii horeba uusan aheyn mid la wada siin jiray ciidamada dowladda, laakiin uu ku koobnaa oo kaliya militariga.

Talaabada uu Mareykanku kaga joojiyay saadkii uu siin jiray militariga Soomaaliya ayaa la leeyahay waxaa ay dhabar jab weyn ku noqon kartaa nabad-galyada gudaha dalka Soomaaliya, iyadoo ciidamada AMISOM isku diyaarinayaan in ay ka baxaan Soomaaliya, taasoo la leeyahay waxaa ay awood siin u tahay dagaalamayaasha Al-shabaab oo marka danbe qatar iyo halis dhinaca Amniga ah ku keeni kara dowladdaha dariska ah.