Colaadda Ka Taagan Dalka Suudaanta Koonfureed oo 4 sano Gashay Iyo Halka Ay Ku Danbayn Doonto.

0
Friday December 15, 2017 - 10:48:21 in by Burco Office
  • Visits: 430
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Colaadda Ka Taagan Dalka Suudaanta Koonfureed oo 4 sano Gashay Iyo Halka Ay Ku Danbayn Doonto.

    Colaadda Ka Taagan Dalka Suudaanta Koonfureed oo 4 sano Gashay Iyo Halka Ay Ku Danbayn Doonto.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Colaadda Ka Taagan Dalka Suudaanta Koonfureed oo 4 sano Gashay Iyo Halka Ay Ku Danbayn Doonto.

Dalka Sudaanta Koonfureed waxaa afar sanno laga joogaa markii uu ka qarxay dagaal sokeeye, taasi oo hoos u dhigtay rajadii laga qabay madaxbanaanida dalkaasi oo ka go'ay Sudan inteeda kale sannadkii 2011-kii.

Tobonnaan kun oo qof ayaa la dilay intii uu socday dagaalka dalka Koonfurta Sudan, halka malaayin qof oo kalena ay barakaceen.

Waxyaabaha argagaxa leh wali waa kuwa ka taagan Sudanta Koonfureed.

Wadanka ayaa noqday mid kala qaybsan ,waxa ayna Qaramada Midoobey ka digtay in ay jirto halis ah in halkaasi uu xasuuq ka dhaco.

Muwaadiniinta Suudaanta Koonfureed ayaa waxa lala bartilmaameedsaday kufsi,dil iyo goobaha qaar oo ay macaluul ku habsatay.

Dhaqaalaha dalka Suudaanta Koonfureed ayaa burburay.

Dadaalo lagu doonayay in lagu xaliyo dhibaatada dalka Koonfurta Sudan ayaa guuldaraystay.

Dadaaladii ugu dambeeyay oo lagu doonayo in lagu baadi goobo heshiis nabadeed ayaa lagu wadaa in magaalada Addis Ababa ay ka bilaabmaan toddobaadka soo socda.

Balse ma jirto calaamad muujinaysa in dagaalka sokeeye ee Suudanta Koonfureed uu mar dhaw dhamaanayo.