"Gollihii Wasiirrada Ee Madaxweyne Siilaanyo Ciddi-na Ugama Tacab Badnayn Guusha Muuse Biixi" Maxamuud Xaashi

0
Friday December 15, 2017 - 10:48:21 in by Burco Office
  • Visits: 674
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Gollihii Wasiirrada Ee Madaxweyne Siilaanyo Ciddi-na Ugama Tacab Badnayn Guusha Muuse Biixi" Maxamuud Xaashi

    "Gollihii Wasiirrada Ee Madaxweyne Siilaanyo Ciddi-na Ugama Tacab Badnayn Guusha Muuse Biixi" Maxamuud Xaashi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Gollihii Wasiirrada Ee Madaxweyne Siilaanyo Ciddi-na Ugama Tacab Badnayn Guusha Muuse Biixi" Maxamuud Xaashi

qoraal kooban oo la soo geliyay barta uu facebooga ee wasiirkii hore ee wasaaradda Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi.

"Waxaan Hambalyeynayaa Xubanaha Gollaha Wasiirada Cusub, Siyaasaduna Mar La Nasto Iyo Mar Xil La Hayaba Way Leedahay.
………………………………………..
Bismilaahi raxmaani raxiim.
Waxaan hambalyeynayaa xubanaha gollaha Wasiirada cusub ee uu maanta magacaabay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaan ILAAHAY ugu rajaynayaa masuuliyiintaa cusub ee madaxweynuhu cugtay inuu xilka ku asturo, ayna noqdaan kuwii dalkooda iyo dadkoodaba u shaqeeya, waxaan kula dardaarmayaa masuuliyiintaa iyo madaxdaas dadaal, daacadnimo iyo isku-duubni.

Waxa kale oo aan jecelahay inaan hambalyeeyo dhammaan xubnihii golaha wasiirada Madaxweyne Siilaanyo oo dalka iyo dadka u soo shaqeeyey, ILAAHAY ayaa ka abaal marin doona, waxa aan leeyahay oo aan aamin-sanahay in saaxiibaday ay yihiin rag bisil oo garanaya siyaasada in aannu qofku mar walba xil hayn, oo maalina uu isagu xil hayo, maalina saaxiibkiisa kale hayo.

Sharaf ayey noo tahay dhammaantayo in aannu Madaxweyne Siilaanyo la soo shaqaynay, in xisbigii KULMIYE guulaystay, in uu Muuse Biixi uu madaxweyne noqday, gollahaasi wasiirada ee hore cidina ugama tacab badnayn guushan, siyaasaduna mar la nasto iyo mar xil la hayaba way leedahay, ciyaariyahanka wanaagsan ayaaba la nasiyaa iyada oo ujeedooyin badan laga leeyahay, waxaan aaminsanahay inay bisaylkaas leeyihiin oo ay caloolsan yihiin, aniga iyo saaxiibadaydaasi waannu soo dhawaynayaa golaha cusub, waxaanu balan qaadaynaa in aannu la shaqayn doono.

Wa bilaahi Tawfiiq
Guul Somaliland.