DEG DEG SHIINAHA OO FALASTIIN U AQOONSANAYSA DOWLAD MADAX BANNAAN CAASIMADEEDUNA TAHAY QUDUS.

0
Friday December 15, 2017 - 16:12:32 in by Burco Office
  • Visits: 486
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG SHIINAHA OO FALASTIIN U AQOONSANAYSA DOWLAD MADAX BANNAAN CAASIMADEEDUNA TAHAY QUDUS.

    DEG DEG SHIINAHA OO FALASTIIN U AQOONSANAYSA DOWLAD MADAX BANNAAN CAASIMADEEDUNA TAHAY QUDUS.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

DEG DEG SHIINAHA OO FALASTIIN U AQOONSANAYSA DOWLAD MADAX BANNAAN CAASIMADEEDUNA TAHAY QUDUS.

Dowladda Shiinaha ayaa ku baaqday in la aasaaso dawlad Falastiin ahoo leh madaxbannaani iyo xoriyad buuxda, taasoo ay caasimaddeedu noqon doonto bariga Magaalada Qudus.

Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibedda Dalka Shiinaha, Lu Kang, ayaa sheegay inay Beijing dareensan tahay walaaca ay ka qabaan waddamada Muslimiinta ah xaaladda xuduudaha la haysto,taasoo sare usii qaadday markii uu Madaxweyne Donald Trump ku dhawaaqay inay Qudus tahay Caasimadda Israa’iil.

 

"Waxaan taageersanahay in wada xaajood wax lagu dhammeeyo, iyada oo la raacayo heshiiskii caalamiga ahaa ee Qaramada Midoobey ,Waxaan sidoo kale taageersanahay sidii loo dhisi lahaa Dowlad madax-bannaan oo Falastiin ah, taasoo ay caasimaddeedu tahay Jerusalaam (Qudus) kuna salaysan xuduuddii 1967-kii.”ayuu yidhi Lu Kang.
 
 

Madaxweynaha Dalka Maraykanka Donald Trump ayaa Todobaadkii hore sheegay inay Magaalada Qudus tahay caasimadda Israa’iil ,una rari doono Safaaraddiisa, taasoo ka caraysiisay Dowladaha Islaamka iyo inta badan hoggaamiyeyaasha Yurub.