Aqoonyahanadi Kaambaynka Culus u galay Muse Bixi oo Berri Dalka Ka Dhoofaya iyo Khilaaf Xoog leh oo Ka Dhex Qarxay iyaga iyo Madaxweynaha.
isla markaasna xoog ugu ololeeyey, kuwaaso kala ahaa Prof Ahmed ismacil samatar oo Buugi xisbiga gobol kasta ku so bandhigay, dadkana uga sheekeynayey shakhsiyadda Muuse Bixi iyo fulinta Buuggan, Aqonyahan Jamal cali Xusen oo hankiisi u sadqqeyey kuna tiraabay in Geelu isugu jiro isaga iyo muse Bixi, Aqonyahan Maxamed Cali Bile oo ku doodi jirey in dalku u baahanyahay Muse iyo weliba Cabdirashid Xasan Matan oo madaxweyne kuxigeen u tartamay xisbig UCID isla markaasna kamid ahaa sarakishi u saraysay ee xisbiga waddani uga soo baxay.
Shakhsiyaadkan aqoonyahanka ah oo la filayey inay hormuud ka noqon doonan xukumadd Muse Bixi isla markaasna Dadku aad u hadal hayeen haddi ay ka mid noqdan xukumadd Muse in wax badani is bedeli doonaan sida ictirafka sii fogaanaya marba marka ka danbaysa oo so dhowaan laha Haddi Prof Samatar laga dhigi laha wasirka arrimaha Debedda, Sicir bararka oo xal loo heli lahaa haddi wasaradda maaliyadda lo dhibi lahaa dhaqaale yahan Jamaal Cali Xuseen, Waxbarashada iyo warfaafinta oo is bedel weyn lagu arki lahaa haddi aqonyahan Maxamed cali Bile iyo Aqonyahan Abdirashid xasan mataan loo kala dhibi lahaa.
Sida Warar xog ogaal ahi sheegayaan Madaxweynaha ayaa aqoonyahanadan u sheegay inaan waxa wanaagsan ee la rabo iyo waaqica oo ah saami qaybsi anay isugu suro gelayn, sidas darted ay raaali iska ahaadaan waxbana aanu ka dhegaysanayn.
Aqoonayahanadan aadka u saamaynta badan oo aan ka qaybgelin Caleemo saarki iyo xilwarejintii Madaxweynaha ee 13ki bish ka qabsontay Madaxtooyada ayaa dhammaantood Dalka ka dhoofaya Todobaadkan gudihiisa iyadoo maalinta berri ah ee Sabtida ugu hor dhoofi doono prof samatar oo sida asxaabtiisa ka ag dhow laga soo xigtay sheegay inaanu Somaliland dib ugu soo noqonayn, maadama hogaamiyihi u dhisay sidaa yeelay oo is bedelay, 3da aqonyahan ee kale war sugan lagama hayo waxayna iska xidheen suuq uso bixii iyo la kulankii bulshada si aan su’aalo badan loo waydiin, waxayna ku sugan yihin guryahooda.
Xukuumadda Muse Bixi so dhisay ayaa aad loogu jahwareeray iyado inta badan ay ka cabanayaan deegaanada uu wasiirrada siiyey madaxweynuhu inaanu wasiir iyaga meteli kara ama u qalma booska la dhigay aanu madaxweynuhu magacaabin, wasiirada xukumadda muse bixi ayay dadku ku faaleeyeen in qaarkood anay aqoon ahaan u dhisnayn oo iskuulo ba gelin laguna magacaabay ololihi ay xisbigi u galeen, qaar madaxweynaha xidid yihiin oo weliba hore musuq maasuq logu eedeyey shaqooyin hore oo aay qaranka u hayeena lagaga joojiyey iminkana uu dallacsiyey ba madaxweynuhu, qaar noloshaa ka dhacay oo mudo 20 sanno ku dhow an shaqo ba lo dirsan oo marfashyada fadhiyey, iyo qaar wasaaradaha loo magacaabay la is weydiinayo oo an laba garanayn.
Wixi Warar kaso kordha khilaafkan aqoonyahanada iyo madaxweynaha kala soco afkashacabka.com
Aqoonyahanadi Kaambaynka Culus u galay Muse Bixi oo Berri Dalka Ka Dhoofaya iyo Khilaaf Xoog leh oo Ka Dhex Qarxay iyaga iyo Madaxweynaha.
Madaxweynaha Somaliland ayaa markii uu isku hubsaday kursig augu sarreeya dalka gebi ahaanba laalay ballamo iyo heshiisyo uu la galay 4 Aqoonyahan oo uu ku faani jirey xilligii ololaha