Taariikh nololeedka Wasiirka Caddaalada oo ah wasiirka ugu da'da yar xukuumadda Muse Bixi

0
Saturday December 16, 2017 - 02:26:35 in by salman abdi
  • Visits: 697
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taariikh nololeedka Wasiirka Caddaalada oo ah wasiirka ugu da'da yar xukuumadda Muse Bixi

    Eng.Cabdiqani Maxamuud Caateeye Fariid waa aqoonayahankii shalay loo magacaabay wasiirka Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland ,waana wasiirka ugu da`ada yar golaha wasiiradda xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Eng.Cabdiqani Maxamuud Caateeye Fariid waa aqoonayahankii shalay loo magacaabay wasiirka Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland ,waana wasiirka ugu da`ada yar golaha wasiiradda xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi

,waa 36jir somalilander ah kana soo jeeda deegamadda Saylac waxaanu ku dhashay Hargeysa aqoontiisa dugsiga hoose dhexe ilaa sare waxaa ku qaatay dalka ,halka aqoonta jaamaceedna uu wax ku soo bartay Dalka dibadiisa ,waxaanu ka soo baxay Degreegiisa kowaad ee Jamacadeed Telecommunication Engineering ee Sudan Academic for engineering ,halka degree giisi labaadna uu ka qaatay culuumata maamulka iyo maareynta ee MBA Jaamacadda Kampala Universty Uganda .

 

Eng.Cabdiqani Caateeye waxaa uu Maamul qeybeed ka ahaa shirkadda Somtel ka ahaa muddo saddex sanadood ah (NOC)Network operating center Manager ,waana aabo labba caaruur ah leh ,wiil iyo gabadh.

Wasiirkan ayaa noqonayaa wasiirkii ugu da`ada yaraa ee dalka soo maraa tan iyo waagii u horeysay ee Somaliland ku dhawaaqday gooni isku taaga.talaabadan ayaa waxay dhalinyaradda aqoonyahanka reer Somaliland u noqonaysaa dhiirigalin iyo in ay u hanqal taagan jagooyinka u sareeyasa dalka waana mid ay abaal buuxa ugu hayndoonaan madaxweyne Muuse Biixi.