Aqonyahan Jamaal Cali Xuseen oo Marki u horeysay ka hadlay Xukumadd usoo dhisay Muse Bixi iyo Damiciisa Siyaasadeed
"kkkkk waar bal imtixaankan eegga, waar anigu dalka umaan iman inaan wasiir ka noqdo, manaan doonan xil, kii aan doontay iyo murashaxnimadiina wixii ka dhacay waad wada ogsoon tihiin. Marnaba taladda iigumay jirin inaan Taageerada aan Muuse u jeediyey aan Wasiir ku doonto.
Waxaanan ku faraxsanahay in aniga iyo taageerayaashaydii aanu door weyn ka ciyaarnay guusha Madaxweynaha la doortay. Ilaahay baa marwalba ii suurtogeliya in aan dhinaca guusha la socdo, hadday tahay inay UCID xisbi u soo baxdo iyo in Kulmiye madaxweynaha ku guuleysto.
Siyaasadda waan u da’ yarahay Mustaqbalka inshallah, imikana waaya aragnimo weyn Oo aan caalamka ka soo helay intii aan xoogayga ku shaqaysanaayey waxay ii saamaxday inaan ku darsado waaya aragnimo dalka gudahiisa ah.
Waxaan hanbalyeeynayaa golaha wasiiradda cusub, Ilaahayna hawsha haw fududeeyo, madaxweynaha cusub aynu taageerno.
Dadka waaweyna wakhtigooda ha ka fasiidaystaan oo yaan lagu mashquulin Hebel Wasiir Ma noqon iyo wuu noqday, dadka qaar Waxay rabaan inay dalka si kale wax Ugu taraan.
Guul iyo gobanimo,"
Aqonyahan Jamaal Cali Xuseen oo Marki u horeysay ka hadlay Xukumadd usoo dhisay Muse Bixi iyo Damiciisa Siyaasadeed
Jamaal Cali Xuseen oo qoraal kooban soo dhigay Barta uu ku leyahay Facebook ga aya sheegay inanu xil wasiirnimo u doonan kana rabin muse bixi balse kamuu hadal khilaafka la sheegay inu dhex maray, qoraalkaasina wuxu u dhignaa sidan