Nin Ganacsade ah oo caawa lagu dilay Magaalada Laascaanood

0
Saturday December 16, 2017 - 06:52:04 in by salman abdi
  • Visits: 502
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin Ganacsade ah oo caawa lagu dilay Magaalada Laascaanood

    Dabley hubaysan ayaa toogasho ku diley Nin ka mid ahaa Ganacsatada Magaalada Laascaanood fiidnimadii caawa isagoo ku sugnaa Bakhaar uu lahaa hortiisa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dabley hubaysan ayaa toogasho ku diley Nin ka mid ahaa Ganacsatada Magaalada Laascaanood fiidnimadii caawa isagoo ku sugnaa Bakhaar uu lahaa hortiisa.


Dableydan oo aan weli la aqoonsan ayaa Rasaas ku furay ninkan oo lagu magcaabi jirey C/naasir Cumar Shaacuur, xili uu u kicitimayey masaajidka salaadii cishe.

Goob joogayaal ayaa HOL u sheegay in ay maqleen Rasaas aan ka yarayn tobaneeyo. kadibna ay arkeen meydka ganacsadaha.

"Rasaastu waxa ay iila ekayd mida qoriga AK47, meeshana xili dadku aad u soconayeen ayay ahayd oo way adkayd in aan aragno cida wax dishey. dadka meesha marayeyna waxaa ay markiiba ku xoomeen ninka" sidaa waxaa tidhi Faadumo Cali oo taagnayd meel aan sidaas uga sii durugsanayn.

Ciidamada Booliska oo goor ku dhow xiligii falku dhacay soo gaadhey goobta waxaa ay sheegeen in ay baadhitaan hayaan oo ay ku rajo weyn yihiin gacan ku dhiiglaha in ay soo qabtaan.

Magaalada Laascaanood oo sanadihii u danbeeyey ka nabadgashay dilalka noocan ah oo ku badnaan jirey ayaa si aad ah looga dareemayaa suuqyada iyo goobaha caafimaadka oo ay buuxdhaafiyeen dad badan oo xaalada in ay wax ka ogaadaan u baahan, waxaase la eegayaa jawaab celinta ciidanka Booliska.