Ugaaska Bulshada Somalida Itoobiya Oo Casuumad U Sameeyay Suldaanka Guud Ee Beelaha Somaliland Suldan Maxamed Suldan C/qaadir Iyo Madax Dhaqameed Kale

0
Friday August 01, 2014 - 10:52:57 in by salman abdi
  • Visits: 1156
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ugaaska Bulshada Somalida Itoobiya Oo Casuumad U Sameeyay Suldaanka Guud Ee Beelaha Somaliland Suldan Maxamed Suldan C/qaadir Iyo Madax Dhaqameed Kale

    -Ugaaska Guud ee Beelaha Absame ee Somaliland, Ugaas Cabdilaahi Maxamed-deeq ayaa Casuumad qado ah ugu sameeyay Magaalada Hargeysa Madaxdhaqameedyo uu hogaaminayo Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

-Ugaaska Guud ee Beelaha Absame ee Somaliland, Ugaas Cabdilaahi Maxamed-deeq ayaa Casuumad qado ah ugu sameeyay Magaalada Hargeysa Madaxdhaqameedyo uu hogaaminayo Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir.

Nuxurka kulanka Casuumada ah, ayaa xubnaha soo qaban qaabiyey ku soo uruuriyeen saddex qodob oo ay halkaasi kaga dalbadeen waxgaradka iyo hogaan dhaqameedka beelaha Absame suldaanka guud inuu wax kala qabto.Munaasibada qado-sharafta ah, ayaa waxa laysku waydaarsaday hadallo Kaftan iyo dalabaad isugu jira, waxaana ugaaska Beelaha Absame ku wehelinayey kulanka aqoonyahano iyo waxgarad ka soo jeedda bulshada u dhalatay deegaanka Soomaalida Itoobiya ee ku dhaqan Somaliland.

Sheekh Axmed Khabiir oo ka mid ah aqoonyahanka Jaaliyada deegaanka Soomaalida Itoobiya ee degen Somaliland oo ugu horrayn ka hadlay kulankaasi, ayaa aah faahiyey ujeedada ay ugu yeedheen Suldaanka, waxaanuu yidhi "Marka koowaad waxaan doonaynaa in naloo balanqaado in Ugaaska Beelaha Absame ka mid noqdo Madaxdhaqameedka dalka laga aqoonsanyahay, Qodobka labaad ee aanu doonaynaa waxa weeyaan in Madaxweynaha laysu kaaya geeyo oo aanu ka wada hadalno, ammaanka Bulshada aanu ka soo jeedno iyo ka Somaliland u baahantahay, sababta oo ay tahay amni ayaan u baahanahay, iyaguna way u baahanyihiin, markaa inaan ka wada hadalno.”

Axmed-khabiir ayaa intaas ku daray "Waxa kale oo aan u baahanahay inaanu Madaxweynaha kala hadalno xuquuqda aannu dalka ku leenahay, waayo xuquuqbaanu dalka ku leenahay , hantibaanu ku leenahay, waanu tegenahay Juqureefi ahaa, markaa inuu Madaxweynuhu na yidhaahdo xuquuqda koowaad ama ta labaad ayaad leedihiin ama xuquuq ma lihidin ee ka guura ayaannu doonaynaa”

Xubno kale oo ka mid aqoonyahanka iyo Maamulka Jaaliyada Beesha oo kulanka ka hadlay ka hor, Ugaaska iyo Madaxdhaqameedka kale intaanay hadlin, ayaa sheegay in xidhiidh wanaagsan oo dhex mara dawladda Somaliland iyo Jaaliyadda Beesha uu dariiqa u xaadhayo iskaashi dhinacyo badan taabanaya iyo xidhiidhka labada waddan ee Itoobiya iyo Somaliland, Sida ka wada-shaqaynta nabad-gelyada, dhismaha Waddooyin isku xidha labada dal iyo arrimaha kale ee daruurig ah.
Ugaaska absa
Suldaanka Guud ee Somaliland Maxamed Suldaan Cabdiqaadir iyo Suldaan Xuseen oo ka mid ah hogaan dhaqameedka Beelaha reer Hargeys, oo halkaasi iyaguna ka hadlay, ayaa sheegay inay aqbaleen dhamaan codsiyada ay soo jeediyeen hogaanka dhaqanka iyo Aqoonyahanka Beelaha Absame ee Somaliland degen.

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi "Horta waa mid ee waanu aqbalnay saddexda qodob ee aad soo jeediseen. Arrinta Ugaaska Bishaa Augusta markay dhamaato Gaadhiga ugaaska waanu bixinaynaa”sidaasi ayuu yidhi suldaanku

Ugaaska Beelaha Absame Ugaas Cabdilaahi Maxamed-deeq oo gabagabadii halkaa ka hadlay, ayaa fariin u diray Madaxweynaha Somaliland iyo xukuumaddiisa, waxaanu xusay inay rejo wanaagsan ka qabaan xukuumaddu inay aqbasho dalabaadka Bulshada uu hogaanka u yahay, waxaanuu yidhi "Madaxweynaha waxaan leeyahay madaxweyneyaashii hore midbaad kaga fiicantahay oo waxaan ku tilmaami lahaa intii aad xukunka haysa nabad-gelyada iyo siday xaaladu u degentahay iyo siday bulshooyinku isu dhex galeen”ayuu yidhi.

Masuul ku hadlayey afka Dawlad deegaanka Somalida Itoobiya, kana mid ah guddida Jaaliyadda Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya Axmed Sheekh Bashiir (Amaadin), ayaa ugu baaqay bulshada labada dhinacba inay iska kaashadaan horumarinta deegaamadooda iyo iskaashi inay yeeshaan, kana wada shaqeeyaan amaanka iyo xidhiidhka labada dal.



           Contact@afkashacabka.com