Madaxweyne Muuse Biixi Bannaanka Ugaga Tagay Qaar Ka Mid Ah Aqoonyahankii Ay Isugu Dhawaayeen Oo Noqotay Hal-xidhaale Aanay Cidina Furi Karin

0
Saturday December 16, 2017 - 13:16:50 in by Burco Office
  • Visits: 659
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Muuse Biixi Bannaanka Ugaga Tagay Qaar Ka Mid Ah Aqoonyahankii Ay Isugu Dhawaayeen Oo Noqotay Hal-xidhaale Aanay Cidina Furi Karin

    Madaxweyne Muuse Biixi Bannaanka Ugaga Tagay Qaar Ka Mid Ah Aqoonyahankii Ay Isugu Dhawaayeen Oo Noqotay Hal-xidhaale Aanay Cidina Furi Karin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Muuse Biixi Bannaanka Ugaga Tagay Qaar Ka Mid Ah Aqoonyahankii Ay Isugu Dhawaayeen Oo Noqotay Hal-xidhaale Aanay Cidina Furi Karin
Tan iyo markii Khamiistii dorraad uu Madaxweynaha cusub ee Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oodda ka soo qaaday hormada koowaad ee xukuumaddiisa cusub ee shanta sano ee soo socota uu u doortay in ay ka mid noqdaan Golaha Wasiirrada ee xukuumadda cusub waxa faallo iyo falanqayn dheer ku jira shacabka Somaliland meel kasta oo ay dunida ka joogaan gaar ahaan kuwa ku sugan gudaha dalka oo ku qaadaa dhigaya goobaha bulshadu ku kulanto iyo baraha xidhiidhka bulshada ee Internetka waxaana siyaalo kala duwan loo falan qaynayaa magacyadda uu Madaxweynuhu badka keenay.

 

 


In badani waxa ay faallo ka bixinayaan saamiga ay qabaa’ilka reer Somaliland ka kala heleen liiskan, kuwo kale waxa ku weyn heerka aqoonta, meeqaamkooda iyo magaca shakhsiyaadka madaxweynuhu cugtay, kuwo kale waxa ay ka faalloonayaan saamiga beelaha xisbiga KULMIYE aad u taageeray ka heleen xukuumadda cusub, sidoo kale saamiga xisbiyahanadii KULMIYE ka heleen liiskan iyo arrimo kale oo badan.


Mid ka mid ah falanqaymaha ugu xiisaha badan ee doodaha ka taagan xukuumadda cusub waxa ka mid ah maqnaanshaha ay liiskan ka maqan yihiin oo aanu Madaxweynuhu xilal u magacaabin rag magac weyn bulshada ku dhex lahaa oo xisbiga KULMIYE si weyn uga dhex muuqday muddooyinkii ugu dambeeyey kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Aqoonyahanada kala ah Axmed Ismaaciil Samatar, Jamaal Cali Xuseen, Maxamed Cali Bile, Cabdirashiid Xasan Mataan iyo kuwo kale oo badan halka ay in badani hadal hayaan sidoo kale dhawr xubnood oo xukuumaddii hore ka mid ahaa oo dadku filayeen in ay deegaamadooda oo ay awood ku leeyihiin darteed la filayay in ay soo laabtaan sida Wasiirkii Caafimaadka Md. Saleebaan Xaglotoosiye balse aan isagu soo laaban.


Si kasta oo shacabka iyo dadka siyaasadda faalleeyaa uga falanqoodeen ka maqnaanshaha xubnahani ka maqan yihiin golaha xukuumadda ee cusub haddana waxa laga siman yahay ogaansho la’aanta aanay cidina ogayn sababaha ugu waaweyn ee Madaxweynaha cusubi uga tagay raggaasi oo ka mid ahaa kuwii sida weyn u garab taagnaa walaw ay qaarkood wakhtiyo dambe ku soo biireen xerada xisbigiisa Muxaafidka ah ahaa.


Aqoonyahannada kala ah Prof; Axmed Ismaaciil Samatar, Jamaal Cali Xuseen Iyo Maxmed Cali Bile ayaa ahaa raggii doorka weyn ka soo qaatay diyaarinta iyo taabbo-galinta buug-siyaasadeedka xisbiga KULMIYE doorashada ku galay iyaga oo wakhtigii ololaha dhammaanba gobolada dalka ku soo ban-dhigay buuggaasi iyo qorshaha siyaasadeed ee uu xambaarsan yahay taasina ay in badan dadku u saadaalin jireen in xubnahaasi door weyn ka qaadan doonaan xukuumadda cusub haddiiba uu talada dalka ku guulaysto xisbigoodu.


Si kastaba ha ahaatee inkasta oo hankooda siyaasadeed ee hore qaarkood u ahaa heer Madaxweyne haddana lama oga in ay iyagu ka cudur daarteen qabashada xilalka wasiirnimo iyo in Madaxweynuhuba si badheedh ah uga tagay iyo in uu jiro qorshe kale oo Madaxweynuhu ka lahaa ka tagidoodaba, dhammaan arrimahaasina lama oga iyada oo warar aan la xaqiijin sheegayaan in Axmed Ismaaciil Samatar ka mid yahay xubno durba ay kala boodeen Madaxweynaha cusub balse wax kastaaba waxa ay kala caddaan doonaan maalmaha soo socda iyo sida xaajadu ku dambayso.


Xigasho Wargeyska Foore.