Shaxda Rasmiga Ah Ee Finalka Club World Cup Ee Real Madrid v Gremio – Ramos Oo Lagu Soo Bilaabay Iyo Gareth Bale Oo Kursiga Keydka Fadhiya

0
Saturday December 16, 2017 - 19:56:23 in by Burco Office
  • Visits: 1485
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shaxda Rasmiga Ah Ee Finalka Club World Cup Ee Real Madrid v Gremio – Ramos Oo Lagu Soo Bilaabay Iyo Gareth Bale Oo Kursiga Keydka Fadhiya

    Shaxda Rasmiga Ah Ee Finalka Club World Cup Ee Real Madrid v Gremio – Ramos Oo Lagu Soo Bilaabay Iyo Gareth Bale Oo Kursiga Keydka Fadhiya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shaxda Rasmiga Ah Ee Finalka Club World Cup Ee Real Madrid v Gremio – Ramos Oo Lagu Soo Bilaabay Iyo Gareth Bale Oo Kursiga Keydka Fadhiya

Tababare Zinedine Zidane ayaa ku soo bilaabay kulanka maanta ee finalka Club World Cup kabtanka kooxda Real Madrid Sergio Ramos kaasoo seegay kulankii semi-finalka ee ay ka badiyeen kooxda Al Jazira.

Ramos ayaa ka garab ciyaaraya daafaca dhaawaca ka soo kabsaday ee Raphael Varane halka Carvajal iyo Marcelo ay ka dheelayaan daafacyada garbaha.

Dhanka khadka dhexe waxaa ku soo bilowday Casermio, Modric iyo Toni Kroos halka Asensio uu kursiga keydka fadhiya. Isco ayaa isna lagu soo bilaabay kulanka maanta taasoo la micno ah in Gareth Bale oo goolkii guusha dhaliyay kulankii semi-finalka uu fadhiyo kursiga keydka.

Waxaana weerarka hogaaminaya Karim Benzema iyo Cristiano Ronaldo kaasoo raadinaya inuu sii dheereysto rikoorkiisa gooldhalinta ee Club World Cup ee uu jabiyay kulankii semi-finalka.

SHAXDA RASMIGA AH:

Real Madrid:Keylor Navas, Carvajal, Ramos, Varane, Marcelo; Casemiro, Kroos, Modric, Isco, Benzema Ronaldo.

Keyd: Casilla, Moha, Nacho, Theo, Lucas V. M. Llorente, Achraf, Asensio, Mayoral, Kovacic, Ceballos

Gremio: ????

Keyd: ?????