Golaha Ammaanka oo loo gudbiyay qaraar ka dhan ah go'aankii Trump ee Qudus

0
Sunday December 17, 2017 - 09:11:02 in by salman abdi
  • Visits: 540
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Ammaanka oo loo gudbiyay qaraar ka dhan ah go'aankii Trump ee Qudus

    Qaraarkan qabyada ah ayaa dhigaya in sal iyo raad aysan shaciga ku lahayn in hal dhinac uu go'aan ka gaaro mustaqbalka magaalada Qudus.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaraarkan qabyada ah ayaa dhigaya in sal iyo raad aysan shaciga ku lahayn in hal dhinac uu go'aan ka gaaro mustaqbalka magaalada Qudus.

Tillaabooyiinkan oo ay soo jeedisay dowladda Masar ayaa ku soo beegmaya ka dib markii uu madaxwayne Trump ku dhawaaqay in Mareykanka ay Qudus u aqoonsadeen caasimada Israa'iil.

Qaraarkan qabyada ah ee loo gudbiyay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqaya dhammaan dalalka kale in ay ka dheeraadaan in ay safaaradahooda ka samaystaan magaalada Qudus.

Dublamaasiyiinta ayaa sheegaya in qaraarkani uu haysto taageerada inta badan xubnaha golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Balse waxaa laga cabsi qabaa in xukumadda Washington ay adeegsadto codka diidmada qayaxan ee Veto