Australia oo sheegtay inay qabatay basaas waqooyiga Kuuriya u dhashay

0
Sunday December 17, 2017 - 09:17:40 in by salman abdi
  • Visits: 586
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Australia oo sheegtay inay qabatay basaas waqooyiga Kuuriya u dhashay

    Dowladda Austarlia ayaa sheegtay inay xirtay nin lagu sheegay inuu basaas u ahaa Dowladda Waqooyiga Kuuriya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Austarlia ayaa sheegtay inay xirtay nin lagu sheegay inuu basaas u ahaa Dowladda Waqooyiga Kuuriya.


Chan Han Choi oo 59 jir ah ayaa loo haystaa sidoo kale inuu ka shaqaynayay dhoofinta hubka wax baabi'iya.

Waxaana boolisku ay sheegayaan in ninkani uu jabiyay sharciga Qaramadda Midoobay iyo kan dalka Austarlia.

Dacwadan ninkan oo Austarlia deganaa mudo 30 sano ah ayaa noqonaysa tii ugu horeeyey ee caykanoo kale ah.

Booliska Australia ayaa intaasi raaciyay inay hayaan cadaymo muujinaya in ninkani uu xiriir la sameeyey saraakiil sare oo dalka Waqooyiga Kuuriya jooga.

Balse waxaa la sheegayaa in ficilada ninkani loo haysto aysan wax qatar ah ku keenayn dalka Austarlia

Waxaa laga yaabaa in ninkani haddii lagu helo dambigan uu mutaysto xarig ilaa 10 sano ah.