Aqoonsiga Trump ee Quddus oo khatar geliyey la dagaalanka argagixisada

0
Sunday December 17, 2017 - 09:25:33 in by Burco Office
  • Visits: 529
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aqoonsiga Trump ee Quddus oo khatar geliyey la dagaalanka argagixisada

    Aqoonsiga Trump ee Quddus oo khatar geliyey la dagaalanka argagixisada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aqoonsiga Trump ee Quddus oo khatar geliyey la dagaalanka argagixisada

Aqoonsiga uu madaxweyne Donald Trump u aqoonsaday Quddus inay tahay caasimadda Israa'iil ayaa dhaliyey dhaliil aad u culus oo ka timid saaxiibada Ameerikaanka.

Dalka Baxrayn oo uu ka socdo shirweynaha sannadlaha ah ee wadahadallada amaanka, ayaa waxaa ka jira in ka soo qayb galayaasha dhamaantood ay walaac ka qabaan in dhawaaqaas uu fursad siinayo labada qolo ee gobolka mucaaradka ka noqday - Iran iyo jihaadoonayaasha Al Qaacida oo dhinac ah, iyo kooxda loogu yeero dawladda islaamiga (IS).

"Madaxweynuhu dab ayuu shiday, wuxuuna saaxiibadiisa carbeed u dhaafay inay la tacaamulaan ololka" sidaa waxaa tiri Elizabeth Marteu, oo ka tirsan machadka caalamiga ah ee daraasaadka istaraatijiyadeed (IISS).

Sarkaal hore uga tirsanaa ciidanka gaarka ah ee UK, oo dalbaday in aan la soo xigan, ayaa dhawaaqaas la mid dhigay "sidii bam gacmeed inta biinka laga baxshay qol lagu dhex tuuray".

Rasmiyan, xukumayaasha carbeed ee khaliijka waxay mar walba taageersanaayeen in Falastiin xaq u yeelato dhul, ayagoo yaqiinsan in ay arrintan tahay mid muddo dheer jiitamaysay oo gobolka oo dhan saamaysay, ha noqdeen carab oo dhan, ama islaam oo dhan.

Si gaar ah laakin marka loo fiiriyo, xubnaha da'da ah ee qoysaska xukunka haya marnaba kama aysan cafin hiilkii uu maamulka Falastiiniyiinta siiyey Saddaam Xuseen markii uu qabsanayey Kuwait 1990.

In yar ka dib markii dalkaas la xoreeyey, 'waxaan arkay' ayuu yiri ninka faalladan qoray 'qoraal darbi ku yaalla magaalada Kuwait City oo leh' "Quddus waa hoyga daa'imka ah ee Yuhuudda, aniga wax qorayana waxaan ahay qof u dhashay Kuwait".

Markaas waxay ahayd 1991, laakinse iminka arrintu sidaa way ka duwan tahay. Inta badan dadka ku nool dalalka carbeed waa dad dhallinyar oo aan aad u xusuusnayn, ama aan dan ka lahayn qabsashadii Kuwait 1990kii, laakin Quddus waa arrin ku weyn.

Waa goobta 3aad ee ugu barakada badan Islaamka marka laga yimaado Makka iyo Madiina, waxayna ku taalla quluubta dad badan. Haddaba taasi maxay ka dhigan tahay marka laga hadlayo la dagaallanka argagixisada? Waxay ka dhigan tahay in khatar loo bareeray marka laba dhinac laga eego.

Midda hore waxay tahay in dadka markii hore aan ku kacsanayn reer galbeedka, oo qaska bariga dhexe uusan ugu muuqan fal xasaradeed ay iminka dib u fekeraan.

Khatarta labaadna waxay tahay in qofkii markii hore la shaqaynayey hay'adaha dawladda Maraykanka uusan iminka dhankaas u janjeerin.

Xasan Nasrallah, Hogaamiyaha XisbullahLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionXasan Nasrallah, Hogaamiyaha Xisbullah

Qodob kale oo muhiim ah waa dalka Iran

Jamhuuriyadda islaamiga waxay weli sii waddaa inay awood ahaan iyo sharaf ahaanba Sacuudiga kula tartanto gobolka. Muddo dheer waxay taageero siin jirtay laba miliishiyo oo ku kacsan Israa'iil oo kala ah Xisbullah iyo Xamaas.

Haddaba, inkastoo xukumayaasha carbeed ay u dhaxeeyaan cadaadiska reer galbeedka iyo culays kaga imaanaya dadkooda, ayaa dhawaaqa iminka ka soo yeeray Maraykanka wuxuu xusuusinayaa hogaamiyeyaasha carabta in maamulka aqalka cad uu awood u leeyahay inuu wajigabax bado.