Garsoorahii Hore La Liga Andujar Oliver Oo Shaki Galiyay Kubadii Suarez Laga Soo Badbaadiyay Xalay & Kaamirooyinka Movistar+ Oo Matalay GLT.

0
Monday December 18, 2017 - 11:51:18 in by salman abdi
  • Visits: 1044
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Garsoorahii Hore La Liga Andujar Oliver Oo Shaki Galiyay Kubadii Suarez Laga Soo Badbaadiyay Xalay & Kaamirooyinka Movistar+ Oo Matalay GLT.

    Garsoorahii Hore La Liga Andujar Oliver Oo Shaki Galiyay Kubadii Suarez Laga Soo Badbaadiyay Xalay & Kaamirooyinka Movistar+ Oo Matalay GLT.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garsoorahii Hore La Liga Andujar Oliver Oo Shaki Galiyay Kubadii Suarez Laga Soo Badbaadiyay Xalay & Kaamirooyinka Movistar+ Oo Matalay GLT.

Barcelona kuma faraxsana go’aamada garsoorka horyaalka La Liga xilli ciyaareedkaan kadib markii ay goob joog u noqdeen in gool xariiqda dhaafay laga diiday kulankii Valencia, balse mar kale ayey garsoorka inkireen gool u muuqday inuu xariiqda dhaafay oo uu Suarez ku tuuray shabaqa kooxda Deportivo La Coruna.

Garsoorahii hore La LigaAndujar Oliver kaas oo haatan falanqeeye ka ah idaacadda Marca, ayaa qiray ineysan kala cadeyn in xariiqda ay kubadda dhaaftay iyo in kale balse ay kala cadeyn karto kaliya aaladda Goal Line Technology.

Weeraryahanka reer Uruguay ayaa meel geesta ah oo ay dhib badneyd in goolka laga beegsado kubad ka helay, balse si qurux badan ayuu goolka ula beegsaday isagoo adeegsanaya "Rabona” balse si dhaqso leh goolhayaha ayaa usoo badbaadiyay inkasoo sawirada laga qabtay ay si yar u muujinayaan iney xariiqda dhaaftay.

GarsooreMateu Lahoz wuxuu ku adkeystay in kubadda aysan aheyn goal, balse Andujar Olivier wuxuu ku falanqeeyay in garsoorka uu ku qasbanaa inuu gaaro go’aan madama uu dhacdada kaliya arkay hal jeer.

"Kaliya Technology-ga ayaa cadeyn kara hadii darbada Suarez ay dhaaftay goolka” ayuu yiri khabiirka dhanka garsoorka ee Andujar.

 

"Waa inaad garsoorka xaqiisa siisid hadii uusan gool ku abaalmarin kiiskaan”

Movistar+ waxey isku dayeen iney isku dheeli tiraan iyagoo adeegsanaya sida horyaalada kale ee yurub, balse muuqaalada iyo sawirada waxey cadeynayaan in kubadda aysan si dhameystiran u dhaafin xariiqda taasoo muujineysa in garsooraha uu qaatay go’aan sax ah.