Dalka Maraykan Oo Arimo Deg Deg Ah Hor Keenay Qaramada Midoobay Iyo Qaraar Ka DHan Ah Magaalada Qudus.

0
Tuesday December 19, 2017 - 10:23:49 in by Burco Office
  • Visits: 578
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dalka Maraykan Oo Arimo Deg Deg Ah Hor Keenay Qaramada Midoobay Iyo Qaraar Ka DHan Ah Magaalada Qudus.

    Dalka Maraykan Oo Arimo Deg Deg Ah Hor Keenay Qaramada Midoobay Iyo Qaraar Ka DHan Ah Magaalada Qudus.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dalka Maraykan Oo Arimo Deg Deg Ah Hor Keenay Qaramada Midoobay Iyo Qaraar Ka DHan Ah Magaalada Qudus.

Mareykanka ayaa codka diidmada qayaxan ee Veto u adeegsaday qaraar qabya ahaa oo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay la keenay kuna saabsanaa magaalada Quddus.

Qaraarka ayaa ku baaqayay in dib looga laabto go'aankii madaxwayne Trump ugu aqoonsaday magaalada Quddus caasimada Israa'iil.

Dhammaan 14 xubnood ee kale ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay qaraarkan.

Dalalka taageeray qaraarka looga soo horjeedo go'aankii Trump waxaa ka mid ah Britain iyo Faransiiska.

Danjiraha dowladda Mareykanka u fadhida Qaramada Midoobey, Nikki Haley ayaa ku tilmaamtay waxa dhacay in uu yahay aflagaado aan la hilmaami doonin.

Falastiiniyiinta iyo taageerayaashooda ayaa rajaynaya in bariga Quddus maalin uun ay noqon doonto caasimada Falastiiniyiinta.

Go'aankii madaxwayne Trump uu Quddus ugu aqoonsaday caasimada Israa'iil ayaa waxa ka dhashay caro gaar ahaan dalalka Islamka.