Shaqaale gargaar oo lagu afduubtay Koonfurta Sudan
Qaramada Midoobay aya ku baaqday in si dhaqsa ah iyaga oo bad qaba dib loogu soo celiyo 6 ka mid ah shaqaalaheeda oo la la'aa tan Axaddii dalka Koonfurta Sudan.
Shaqaalahani ayaa ku safrayay wadada u dhaxaysa Raja iyo Wau oo ku taalla waqooyi galbeed dalkaasi.
Dowladda Koonfurta Sudan ayaa ku eedeeysay mucaaradka in ay afduubteen shaqaalahani gargaarka ee Qaramada Midoobay.
Afhayeen u hadlay mucaaradka ayaa sheegay in ciidamadooda ay jidgooyo u dhigteen kolanyo ay lahayd dowladda islamarkana ay ciidamada dowladda u isticmaaleen shaqaalaha gargaarka gabaad.
Afhayeenkan u hadlay mucaaradka Koonfurta Sudan ayaa sheegay in shaqaalahani Qaramada Midoobay ay bad qabaan islamarkana la siidayn doono sida ugu dhaqsiyaha badan.
Tan iyo intii uu bilaabmay dagaalka sokeeye ee Koonfurta Sudan waxaa hay'adaha gargaarka ku adkaa in ay ka howlgalaan meelaha qaar dalkaasi.