Bile Rafle Oo Ka Sheekeeyay Waxyaabo Ku Duugan Guriga Xisbiga Ee Hargeysa Iyo Sida Looga Faaiidaysan Karo.

0
Wednesday December 20, 2017 - 12:34:25 in by Burco Office
  • Visits: 931
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bile Rafle Oo Ka Sheekeeyay Waxyaabo Ku Duugan Guriga Xisbiga Ee Hargeysa Iyo Sida Looga Faaiidaysan Karo.

    Bile Rafle Oo Ka Sheekeeyay Waxyaabo Ku Duugan Guriga Xisbiga Ee Hargeysa Iyo Sida Looga Faaiidaysan Karo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bile Rafle Oo Ka Sheekeeyay Waxyaabo Ku Duugan Guriga Xisbiga Ee Hargeysa Iyo Sida Looga Faaiidaysan Karo.

Bile Rafle Guuleed oo caan ku ahaa wax badan oo uu ka qabtay magaalooyinka Burco iyo Hargeysa wakhtigii Siyaad Barre ayaa ka hadlay dareenkiisa guriga qabyoobay ee hadda ah suuqa xisbiga.


Waxa uu Bille Rafle ka sheekeeyay dhismaha gurigan oo uu ugu talo galay inuu noqdo madaxtooyo isaga oo faahfaahiyay inta dhismahaasi uu ka kooban yahay, waxaanu si dareen leh u sheegay inuu gurigaas qabyada ahi uu qalbiga kaga yaalo.

Bille Rafle oo ka hadlayaay casuumaad dad haldoor ah ay ku casuumeen magaalada Hargeysa ayaa hadalkiisa ku bilaabay sida loogu jeclaa wax qabadkiisa "Maalinkii layga badalay Burco afar boqol oo taar ayaa loo qoray Maxamed Siyaad Bare oo la yidhi ha naga badalin, Hargeysa iyaduna sida oo kale ayay ahayd labadaba markii layga badlaayay aad ayaan uga xumaaday waliba gurigaas Bile Suge loo bixiyay (guriga suuqa xisbiga), runbaan idiin sheegayaa gurigaasi qalbiga ayuu igaga yaalaa, waa boqol iyo siyaado qol, xaga danbe waxa uu ku lahaa 42 filo oo aan ugu talo galay inay madaxdu degto, dawlada oo dhan ayuu qaadayaa, lix hool ayuu leeyahay oo shirarka loogu talo galay, wax kasta ayuu gurigaasi lahaa, hadaad gurigaas madaxiisa aad ku istaagto oo aad taliskoob qaadato Jigjigana waad arkaysaa Berberana waad arkaysaa maxaa yeelay Biyo-dhacay oo ah meeshiii ugu dheerayd ayaan ka dhisay, markaas gurigaasi waxa weeye guri madaxtooyo u qalma, madaxweynaana waan u sheegay, waxaan ku idhi gurigaas dhamays tir, haddii aad dhamays tiri waydana waa dhibaato, aniguna diyaar ayaan u ahay inaan dhaqaale u guro si gurigaas loo dhiso.”