Halkaran oo Shirkii ugu Ballaadhna ku Qabsatay Burco iyo Guddomiyaashi So maray Naadiga oo Khudbado ka Jeediyey+SAWIRO

0
Thursday December 21, 2017 - 14:17:51 in by Burco Office
  • Visits: 625
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halkaran oo Shirkii ugu Ballaadhna ku Qabsatay Burco iyo Guddomiyaashi So maray Naadiga oo Khudbado ka Jeediyey+SAWIRO

    Naadiga Akhriska iyo Qoraalka ee Halkaraan ayaa Shirweyne Ballaadhan oo la isku Barayey Xubnihii Halkaraan ee 2009 illaa 2017 kamid ahaa soona hogaamiyey sido kalena lagu dejinayey Qorshe Hawleed Cusub oo Naadigu kushaqayn Doono 10 ka sanno ee soo so

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Naadiga Akhriska iyo Qoraalka ee Halkaraan ayaa Shirweyne Ballaadhan oo la isku Barayey Xubnihii Halkaraan ee 2009 illaa 2017 kamid ahaa soona hogaamiyey sido kalena lagu dejinayey Qorshe Hawleed Cusub oo Naadigu kushaqayn Doono 10 ka sanno ee soo socda ku qabtay Xarunta Akhriska ee Halkaraan.

Shirkan oo Guddomiyaha Naadigu iclaamiyey Bil kahor isla markaasna xubnaha ka qaybeglayaa isaga kala yimaadeen gobolo kala duwan iyo waddamo kala duwan oo qaarkood waxbarasho iyo shaqo u tageen ayaa la isku baray dhammaan xubnihii ka so qaybgalay laguna so bandhigay marxaladihii uu naadigu soo maray.

Guddomiyihi ugu horeeyey ee Nadiga HALKARAAN Wakhtigii la aasaasay ee 2009 Jaamac maxamed axmed iyo gudomiye kuxigenka sannadkan ahna madaxa guddiga qabanqaabada shirkan ayaa so bandhigay qorsheyaasha iyo ajandaha ugu muhiimsan ee shirkan looga faaidaysan karo, waxaynta tilmaameen xilliyo adag oo naadigu soo maray iyo heerka uu manta soo gaadhay sidu ku soo gaadhay.

Xubno Badan oo kamid aha ka qaybgalayaashi shirkan ayaa so bandhigay fikrado wax ku kordhin kara hab socodka iyo hanaanka shaqo ee Halkaraan.

Guddomiyihii 2aad ee Halkaraan soo maray isla markaasna gudomiye ahaa sannadki 2010 Maxamed Xasan Caalin oo so xidhay shirka qaybtiisi kowaad ayaa aad u bogaadiyey kulankan iyo cid kasta oo ka shaqaysay qabsoomidiisa, waxanu tilmaamay inaanay jirin qorsheyaal qoran oo cad cad oo hore loogu dejiyey naadiga 10jirsaday, balse ay nasiib wanaag tahay hadii uu 10jir soo gaadhay isla markaasna laga tashano manta halkaynu gaadhsiina 20jirkiisa.

Gebogabadiina kulanka qaybtiisi 2aad ayaa loo ballamay Galabta, waxana uu shirku socon dona muddo 2 maalmood ah, Labada Gelin ba, Taaso sida maamulka naadigu shegay lagu kala tegi doono qorsheyaal dhaxal gal u noqda maamulka danbe ee Halkaraan loo dooran dono sannadka cusub 2018.

Image may contain: 7 people, people sittingImage may contain: 5 people, people smiling, textImage may contain: 1 person
Image may contain: 1 person, standingImage may contain: 2 people, people standingImage may contain: 2 people, people sittingImage may contain: 1 person, sittingImage may contain: 2 people, people sitting and indoorImage may contain: 5 people, people sitting and indoor