Qaramada Midoobay oo qaraar ku diiday Aqoonsiga Trump ee Qudus

0
Friday December 22, 2017 - 09:46:08 in by Burco Office
  • Visits: 442
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaramada Midoobay oo qaraar ku diiday Aqoonsiga Trump ee Qudus

    Qaramada Midoobay oo qaraar ku diiday Aqoonsiga Trump ee Qudus

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaramada Midoobay oo qaraar ku diiday Aqoonsiga Trump ee Qudus

Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa si wayn u taageeray qaraarka Maraykanka ugu baaqaya in uu ka laabto in uu Qudus u aqoonsado caasimadda Israa'iil.

Warka qoraalka ah ayaa lagu sheegay in go'aankasta oo laga qaatay Qudus uu yahay mid aan waxka ka jirin, ayna waajib tahay in laga laabto.

Qaraarkan oo dhaqangalintiisu aysan qasab ahayn waxaa meelmariyay 128 dal, waxaa ka aamusay 35 dal waxaana ka soo horjeedsaday sagaal dal.

Arrintan ayaa timid ka dib markii madaxweyne Trump uu ku goodiyay in uu kaalmada dhaqaale ka jari doono dalalka taageera qaraarkaas.


Siday u codeeyeen dalalka Qaramada Midoobay?

Waxaa qaraarkan ka soo horjeedsaday Maraykanka, Israa'iil, Guatemala, Honduras, the Marshall Islands, Micronesia, Nauru, Palau iyo Togo.

Dalalka aan codkooda dhiibaninna waxaa ka mid ah Canada iyo Mexico

Dalalka taageeray oo ay ku jiraan xubnaha joogtada ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobayna waxaa ka mid ah Shiinaha, Faransiiska, Ruushka iyo UK iyo wali sidoo kale dalalka Muslimiinta ah ee xulafada la ah Maraykanka.

Codayntana waxaan soo xaadirin 21 dal.