Shan Carruur Ah Oo ku dhimatay Qarax ka dhashay Bam ay ku cayaarayeen degmada Mandera

0
Friday December 22, 2017 - 20:45:47 in by Burco Office
  • Visits: 611
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shan Carruur Ah Oo ku dhimatay Qarax ka dhashay Bam ay ku cayaarayeen degmada Mandera

    Shan Carruur Ah Oo ku dhimatay Qarax ka dhashay Bam ay ku cayaarayeen degmada Mandera

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shan Carruur Ah Oo ku dhimatay Qarax ka dhashay Bam ay ku cayaarayeen degmada Mandera

Shan Caruur ah ayaa lagu waramayaa ay ku dhinteen Ban ay ku cayaarayeen habeennimadii Khamiista deegaan lagu magacaabo Banisa oo ka tirsan degmada Mandera.

Ku-xigeenka guddoomiyaha deegaanka BanisaMathias Chisambooo tagay goobta uu shilku ka dhacay ayaa sheegay Qaraxan uu ka dhashay Bam gacameed ay Carruurtan ku cayaarayeen, isaga oo sheegay in uu socdo baaritaan arintan ku saabsan.

Carruurtay dhimatay ayuu sheegay in ay da’doodu u dhaxeysa 12- 17 sano jir ah

Maxamed Cali Cismaan oo ah xubin ka tirsan golaha degmada ayaa Hiiraan Online u sheegay in Carruurtan ay helleen Qaraxa maalin ka hor xiliga uu Bamku qarxay oo aheyd habeenkii Khamiista.

Bishii Marso ee sanadka Labo Carruur ah ayaa ku dhimtay Saddex kalana waa ay ku dhaawacmeen Bam kula qarxay deegaan lagu magacaabo Hareri-Hoosleoo ku yaala xadka Kenya iyo Soomaaliya