Real Madrid v Barcelona – Ronaldo v Messi – Yaa Guusha Heli Doona Kulanka Adag Ee El Clasico Ee Maanta Sabti Ah Ka Dhici Doona Santiago Bernabeu?

0
Saturday December 23, 2017 - 13:36:25 in by Burco Office
  • Visits: 870
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Real Madrid v Barcelona – Ronaldo v Messi – Yaa Guusha Heli Doona Kulanka Adag Ee El Clasico Ee Maanta Sabti Ah Ka Dhici Doona Santiago Bernabeu?

    Real Madrid v Barcelona – Ronaldo v Messi – Yaa Guusha Heli Doona Kulanka Adag Ee El Clasico Ee Maanta Sabti Ah Ka Dhici Doona Santiago Bernabeu?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Real Madrid v Barcelona – Ronaldo v Messi – Yaa Guusha Heli Doona Kulanka Adag Ee El Clasico Ee Maanta Sabti Ah Ka Dhici Doona Santiago Bernabeu?

Duhurnimada maanta waxaa la ciyaarayaa kulanka sida weyn loo sugayo ee El Clasico oo ka mid ah kulamada ugu xiisaha badan kubada cagta adduunka, iyadoo Real Madrid ay soo dhaweyn doonto kooxda ay sida weyn u xafiiltamaan ee Barcelona.

Kulanka ugu horeeyay ee El Clasico ee xilli ciyaareedkan ayaa ku soo aaday waqti xasaasi ah, waana kulanka lagu soo xirayo sannadkan 2017 ee horyaalka La Liga, iyadoo natiijada ka soo baxda kulanka maanta ay saameyn weyn ku yeelan doonto tartanka horyaalka LaLiga.


Barcelona ayaa garoonka soo galeysa maanta 3pm Saacada Geeska Afrika iyagoo 11 dhibcood ka sareeysa kooxda martida loo yahay ee Real Madrid oo kaalinta afaraad ku jirta, laakiin Los Blancos kulan ayaa u baaqday intii ay ku maqnaayeen hanashada Club World Cup.

Hadii Bluagrana ay badiso waxaa si rasmi ah u dhiman doona rajadii ay Real Madrid ka laheyd inay difaacato koobka horyaalka La Liga, laakiin haddii ay badiso Los Blancos waxaa xiiso sii yeelan doona tartanka horyaalka oo noqon doona mid aan weli lagu kala bixin.

Markii ugu horeysay in muddo ah garoonka ma soo wada geli doonaan weeraradii caanka ahee ee BBC v MSN madaama Neymar uu ka tagay kooxda Barcelona islamarkaana uu xagaagii u wareegay kooxda Paris Saint-Germain.


El Clasisco waa kulan mar walba seddex dhibcood ka badan, waxaa miiska saaran mustaqbalka tartanka horyaalka La Liga ee xilli ciyaareedkan, waxaa miiska saaran sharafta iyo faanka taageerayaasha labada kooxood ee xafiiltama, waxaa sidoo kale ku lamaanan kulankaan siyaasad iyadoo Catalonia ay ku dhow dahay inay ka go’do Spain inteeda kale.

Hadaba saadaal ka bixi kulanka adag ee Santiago Bernabeu ka dhacaya maanta ee ay isaga horimaanayaan kooxaha Real Madrid iyo Barcelona? Ayay guusha raaci doontaa Los Merengues mise Azulgarana? Mise labada kooxood dhibcaha ayay kala qeybsan doonaan.

Ka qeyb qaado codbixinta hoose islamarkaana fekerkaaga inoogu soo qor qeybta hoose ee argtida, nala wadaag waxa ay kula tahay.