Madaxweyne Farmaajo oo Saraakiisha ciidamada kaga digay ku dhaqanka qabyaaladda

0
Sunday December 24, 2017 - 12:06:31 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo oo Saraakiisha ciidamada kaga digay ku dhaqanka qabyaaladda

    Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida ee Somaliya wuxuu uga digay ku dhaqanka qabyaaladda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida ee Somaliya wuxuu uga digay ku dhaqanka qabyaaladda.


Wuxuu sheegay qabyaalada Somaliya inay gaarsiisay meel xun, marka loo eego sida loogu dhaqmo, wuxuuna ku tilmaamay qabyaaladda tan Somaliya dib u dhaca wayn ku keentay. 

 

Farmaajo, ayaa wuxuu sheegay Qaran iyo Qabiil inaysan meel wada gali karin, sidaasi awgeedna muhiim ay tahay sida Qaranka loogu dhaartay in Bulshada loogu adeego. 

"Waajibaadka aan leenahay waxa ay tahay in aan bedelno qaabka loo fekero, haddii qaabkii hore oo muddooyinkii la soo dhaafay duruufaha adkeyd aan u fekeraynay qaabab guracan oo Somaliya ka reebay aduunka oo aan iraahno qabyaalad, ama qabiil, waa inaan u fekerno qaab qarabeed, si aan ula jaan qaadno caalamka, qaabka qaranka loo baahan yahay in loo fekero waxa ay tahay oo madaxa laga rabo oo aan aniga ugu horeeyo waxaan halkaan u fadhiyaa umadda Somaliyed, idinkana waxaad u fadhidaan umadda Somaliyed, qof qabiil u fadhiya ma jiro halkaan, qofka markii uu calanka gacanta ku xirtay ee uu dhaartay ayuu qaran u dhaartay, Qabiil iyo Qaran la iskuma dhex wadi karo.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. 

Isaga oo hadalka sii wata Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa wuxuu sheegay inuusan jirin askari xun illaa Saraakiisha oo xumaada mooyee, waxaana uu Saraakiisha ciidamada si adag ula dardaarmay inay hanaan wanaagsan kula dhaqmaan ciidamada.