Dowladda Itoobiya oo ugu dambeyntii aqbashay is casilaadda Guddoomiyaha Golaha baarlamaanka.

0
Tuesday December 26, 2017 - 09:26:37 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Itoobiya oo ugu dambeyntii aqbashay is casilaadda Guddoomiyaha Golaha baarlamaanka.

    Guddiga Fulinta ee Isbahaysiga talada dalka haya ee Itoobiya, EPRDF, ayaa ugu danbeyn aqbalay is casilaadda Abadula Gemeda oo ah Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dadweynaha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga Fulinta ee Isbahaysiga talada dalka haya ee Itoobiya, EPRDF, ayaa ugu danbeyn aqbalay is casilaadda Abadula Gemeda oo ah Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dadweynaha.


Abadula Gemeda ayaa sheegay in ixtiraam la'aanta lagula dhaqmayo dadkiisa ay tahay sababta ugu weyn ee go'aankiisa, hase yeeshee wuxuu wali sii hayn doona booskiisa xildhibaanimo.
Is-casilaadda Gemeda ee bishii Oktoobar sannadkan ayaa waxay lama filaan ku noqotay inta badan dadka u dhuun duleela siyaasada dalkaas.


Go'aankani wuxuu yimid kadib markii uu sii kordhay rabshadaha dilaaga ah oo u dhexeeya gobolada Oromiya iyo soomalida Itoobiya. Dhibaatada ku salaysan dagaalka khayraadka ayaa horseeday dhimasho badan, barakac ballaaran iyada oo ciidamada amniga ee federaaliga ah lagu eedeeyay in ay caqabad ku yihiin.


Xukuumadda ayaan si degdeg ah u aqbalin go'aanka Guddoomiyaha Golaha iyada oo Ra'iisal Wasaaraha Hailemariam Desalegn uu horaan sheegay inay wadahadala u socdaan si uu Gemeda uga noqdo go'aankiisaa. "Waana ku faraxsanaan doonaa haddii uu dib u eego go'aankiisa," ayuu yiri Hailemariam waqtigaas.


Tan iyo markii uu gudbiyay is casilaadiisa, 59-sano jirku ma uusan shir gudoomin fadhiyada baarlamaanka. waxuuna qayb ka ahaa kooxo Oromo iyo Amxaaro ah oo aan soo xaadirin fadhiyada looga hadlayay dhibaatada dhinaca amaanka ee gobolka Oromia.


is casilaada Gemeda ayaa waxaa daba socday sarkaal kale oo sare, Bereket Simon - falanqeeye siyaasadeed ee Raisul wasaaraha . hase yeeshe Desalegn oo ka hadlayey iscasilaadda ayaa beeniyay in labada arimood ay isla xiriiraan.