Dadka gantaallada u hormariya Kuuriyada Waqooyi oo cunaqabatayn la saaray

0
Wednesday December 27, 2017 - 09:41:25 in by Burco Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dadka gantaallada u hormariya Kuuriyada Waqooyi oo cunaqabatayn la saaray

    Dadka gantaallada u hormariya Kuuriyada Waqooyi oo cunaqabatayn la saaray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadka gantaallada u hormariya Kuuriyada Waqooyi oo cunaqabatayn la saaray

Dawladda Maraykanka ayaa cunaqabatayn dul dhigtay labo sarkaal oo Kuuriyada Waqooyi u dhashay, kuwaas oo ay ku sheegtay in ay yihiin kuwa dalka ku hogaamiyay in uu hormariyo gantaalladiisa nukliyeerka.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa shaacisay magacyada Kim Jong-sik iyo Ri Pyong-chol iyada oo ku sheegtay "in ay labadooduba yihiin hogaamiyeyaasha barnaamijyada gantaallada riddada dheer ee Kuuriyada Waqooyi.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cunaqabataynno hor leh saaray Kuuriyada Waqooyi Jimcihii, arrintaas oo jawaab u ah gantaalladii uu dalkaasi dhawaan tijaabiyay.

Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in arrintaasi ay tahay "tallaabo dagaal" ayna u dhiganto cunaqabatayn dhaqaale oo dhamaystiran.

Cunaqabataynta cusub ee Maraykanka ayaa ka hor istaagi doonta labadaas nin in ay dhaqaalahooda wareejistaan, taas oo lagu fariisin doono wixii hanti ah ee ay macquultahay in uu Maraykanku ka hayo.

Image captionRi Pyong-chol ayaa la sawiray isaga oo la qoslaya Kim Jong-un

Labadan nin ee cunaqabataynta la saaray ayaa si joogto ah loogu ag sawiraa hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un markaste oo gantaal la tijaabinayo.

Sannadkii horana dalkaasi wuxuu tijaabiyay gantaalkii ugu riddada dheeraa ee uu abid rido, wuxuuna sheegay in ay hadda wixii ka dambeeyana duqayn karaan dhamaan Maraykanka oo dhan.

Baaritaan ay wakaaladda wararka ee Reuters samaysay bishii May ayay ku sheegtay in labadan nin iyo Jang Chan-ha oo gantaallada sameeya uu soo xushay Kim Jong-un ayna agtiisa caan ka yihiin.