Gudoomiyaha Ku Xigeenka Garabka Dhalinyarada Xisbiga Wadani Ee Togdheer Oo Ku Baaqay In Lakale Diro Golaha Deegaanka Burco.

0
Thursday December 28, 2017 - 18:16:31 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Ku Xigeenka Garabka Dhalinyarada Xisbiga Wadani Ee Togdheer Oo Ku Baaqay In Lakale Diro Golaha Deegaanka Burco.

    Gudoomiyaha Ku Xigeenka Garabka Dhalinyarada Xisbiga Oo Mucaradka Wadani Ee Gobolka Togdheer Oo Warbaahinta Maanta La Hadlay Ayaa Si Adag U Dhaliilay Is Qabqabsiga Golaha Deegaanka Degmada Burco,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Ku Xigeenka Garabka Dhalinyarada Xisbiga Oo Mucaradka Wadani Ee Gobolka Togdheer Oo Warbaahinta Maanta La Hadlay Ayaa Si Adag U Dhaliilay Is Qabqabsiga Golaha Deegaanka Degmada Burco,


Gudoomiye Cabdi Sugaal Ayaa Maayirka Degmada Burco Iyo Xildhibanada Ka Soo Horjeeda Ku Eedayay Inanay Shacabka U Danaynin Oo Iyagu Isku Haystaan Dano U Gaar Ah Waa Sida U Hadalka U Dhigee,

Sidoo Kale Gudoomiyaha Cabdi Sugaal Ayaa Baaq Iyo Dardaaran U Diray Xildhibanada Golaha Deegaanka Degmada Burco Oo Ugu Magacdaray Xildhibanada Mudo Xiloodkood Ku Dhamaystay Khilaafka,


"Waxa Maanta Igu Kalifay Inaan La Hadlo Warbaahinta,Waxa Aan Ka Xumahay In Xildhibanada Golaha Deegaanka Degmada Burco U Hogaaminayo Maayir Muraad Ay Naga Bateen Is Qabqabsiga Iyo Khilaafka Hadheeyay Golahooda Waxana U Arkaa Inanay Isku Haysanin Danta Dadka Ee Ay Isku Haystaan Dano Ugaar Ah,Taasina Waxay Ina Tusaysaa Inay Bulshadii Dooratay Ay Ku Hungobeen”Ayuu Yidhi Cabdi Sugaal


"Waxaan U Yaqaana Golaha Deegaanka Burco Golahii Qudha Ee Dalka Somaliland Ku Dhamaystay Mudadoodi Khilaafka Oo Aan Waxbad Fican Aanay Ka Dhaxlin Bulshadii Dooratay Taasina Waxa Sabab U Ah Is Qabqabsiga Iyo Lunsiga Handida Danta Guud Oo Ay Ku Calamadsanyihiin Golaha Deegaanka Degmada Burco”Ayuu Yidhi Cabdi Sugaal

Gabagabadii Waxa U Baaq U Diray Madaxwanaha Cusub Iyo Golaha Deegaanka Degmada Burco Waxana Uu Yidhi


"Madaxwaynaha Somaliland Muse Biixi Waxaan Ugu Baqayaa Xildhibanada Golaha Deegaanka Degmada Burco Kale Dir Waayo Waxqabad Iskadaaye Khilaafkooda Iyo Boobka Hantida Guud Ayay Mudadoodii Ku Dhamaysateen,Waxaan Golaha Deegaanka Laftooda Leeyahay War Magaca Iyo Karamadii Inilugu Doortay Ilaliya Oo Dhawra”Ayuu Ku Soo Afmeeray Hadalkiisa.