Halyeeyga Reer Brazil Ronaldo Oo Philippe Coutinho Kaga Digay Barcelona: "Ciyaartoyda Reer Brazil Mar Walba Dhibaato Ayey Ku Qabaan" by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Friday, Dec 29, 2017Halyeeyga Reer Brazil Ronaldo Oo Philippe Coutinho Kaga Digay Barcelona: "Ciyaartoyda Reer Brazil Mar Walba Dhibaato Ayey Ku Qabaan" by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Friday, Dec 29, 2017

0
Friday December 29, 2017 - 18:35:22 in by Burco Office
  • Visits: 913
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halyeeyga Reer Brazil Ronaldo Oo Philippe Coutinho Kaga Digay Barcelona: "Ciyaartoyda Reer Brazil Mar Walba Dhibaato Ayey Ku Qabaan" by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Friday, Dec 29, 2017Halyeeyga Reer Brazil Ronaldo Oo Philippe Coutinho Kaga Digay Barcelona: "Ciyaartoyda Reer Brazil Mar Walba Dhibaato Ayey Ku Qabaan" by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Friday, Dec 29, 2017

    Halyeeyga Reer Brazil Ronaldo Oo Philippe Coutinho Kaga Digay Barcelona: "Ciyaartoyda Reer Brazil Mar Walba Dhibaato Ayey Ku Qabaan" by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Friday, Dec 29, 2017

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Halyeeyga Reer Brazil Ronaldo Oo Philippe Coutinho Kaga Digay Barcelona: "Ciyaartoyda Reer Brazil Mar Walba Dhibaato Ayey Ku Qabaan" by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Friday, Dec 29, 2017

Halyeyga qaranka Brazil ayaa weerar dadban ku qaaday Barcelona kadib markii uu ka dhawaajiyay iney tahay koox mar walba ay ku dhibtoodaan xidigaha reer Brazil, wuxuuna digniin culus u diray Philippe Coutinho oo ay sadex jeer ku fashilantay Blaugrana iney lasoo saxiixato.

Coutinho wuxuu si weyn u xiiseynayaa inuu ku biiro kooxda hogaamineysa La Liga, walow kooxda ka dhisan Camp Nou ay 25-jirkaan qarka u fuushay iney lasoo saxiixato xagaagii lasoo dhaafay ka hor inta aysan Liverpool diidin dalab dhan 118 Malyan oo Pound maalintii ugu dambeysay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Luiz Ronaldo oo hal sano oo qurux badan ku qaatay Camp Nou ayaa wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyayEsporte Interativo, wuxuuna ka hadlay sida ay kooxda Blaugrana ula dhaqanto xidigaha reer Brazil isagoo soo tiriyay liis ciyaartoy oo uu ku jiro Neymar Junior oo isaga tagay kooxda bishii August ee lasoo dhaafay.

"Waxaan wax badan oo farxad iyo isku xirnaan ah ku dareemay Real Madrid, inkastoo aan sanad weyn kusoo qaatay Barcelona” ayuu yiri 41-jirka reer Brazil.

"Dhamaadkii taariikhdeyda Barcelona waxey aheyd mid xun, waana mid la mid ah xaaladda Neymar Jr”

"Barcelona mar walba waxey dhibaato ayey u qabeen xidigaha reer Brazil: Neymar, Ronaldinho, Romario iyo aniga”

"Dhamaanteen si xun ayey kooxda noola dhaqantay mudadii ugu dambeysay, inkastoo aan u hurnay wax walba una samirnay”

Ronaldo kaliya hal xilli ciyaareed ayuu ku qaatay Camp Nou 1996/97, wuxuuna dhaliyay 34-gool isagoo saftay 37-kulan, wuxuu aaday Inter Milan ka hor inta uusan shan sano kadib La Liga kusoo laaban isagoo 2002 ku biiray Real Madrid.